Dawlada Kenya oo ganaaxeysa dadka faafiya wararka beenta ah ee ku saabsan Corona

0
21

Nayrobi (saxilnews.com) Dowladda Kenya ayaa sare u qaadday shuruucdeeda la socodka baraha bulshada iyo warbaahinta kaleba, si looga hor tago faafinta wararka been abuurka ah ee ku saabsan Caabuqa Corona.

Af hayeen u hadlay dowladda oo lagu magacaabo Cyrus Oguna ayaa sheegay in dambi baareyaal ka tirsan waaxda qaabilsan dhinaca internet-ka ee Booliska ay qiimeyn doonaan dhammaan xogta lagu daabaco baraha bulshada ee online-ka, kaddibna ay xiri doonaan dacwadona kusoo oogi doonaan cid kasta oo lagu tuhmo inay faafineyso warar aan xaqiiqo ahayn oo ku saabsan cudurkan dilaaga ah.

Qofkii lagu helo dambiga noocaas ah ayaa halis ugu jira in lagu ganaaxo lacag dhan $50,000 oo doolar ama in lagu xukumo labo sano oo xabsi ah.

Mr Oguna ayaa sheegay in hadda qoraallo badan oo laga sameeyay Corona loo gudbiyay laanta dambi baarista, kaddib marka lasoo afjaro baaritaannadana la billaabi doono0 howlgallo lagu soo xirayo dadka been abuurka faafiyay.

Dadka maxkamadda lasoo taago ayaa loo cuskan doonaa sharciga macluumaadka lagu faafiyo Internet-ka ee Kenya laga hirgaliyay sanadkii 2018-kii.

Waddanka Kenya ayaa maalmihii lasoo dhaafay la gilgishay warar been abuur ah oo laga sameynayay Caabuqa Corona ee saameynta ba’an ku yeeshay caalamka.

Caro weyn ayaa baraha bulshada ka billaabatay maalintii Isniinta, kaddib markii si weyn loo shaaciyay muuqaal 4 daqiiqo ah oo laga duubay saraakiil ka tirsan dowladda oo xaqiijinaya in qof qaba Caabuqa Corona lagu daweynayo isbitaal weyn oo ku yaalla waddanka.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegay in muuqalakaas la duubay dabaqaayadii Isbuuca, xilli ay saraakiishu ku guda jireen munaasabad tijaabo ah oo lagu matalayay sida loo shaacinayo haddii ay dhacdo in qof cudurka qaba laga helo dalka.

Hase yeeshee ma cadda sida muuqaalkaas loogu dusiyay dadweynaha.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in wali aan waddankeeda lagu arkin hal qof oo qaba xanuunka loo bixiyay COVID-19.

Qaar ka mid ah waddamada Gobolka bariga Afrika ayaan wali ku dhawaaqin kiisaskii ugu horreeyay ee Caabuqa Corona.

Madaxweynaha dalka Tanzania, oo daris la ah Kenya ayaa sheegay inuu door biday inuu salaanta gacanta u baddalo lugta, si looga hor tago Caabuqaas.

Madaxtooyada dalkaas ayaa shaacisay sawir muujinaya madaxweyne John Magufuli oo dhaqan galinaya talo ay soo jeedisay wasaaradda caafimaadka, taasoo ah in lugaha la isku salaamo.

Magufuli wuxuu ficilkaas la sameeyay mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka.

Tanzania ayaa sheegtay in wali uusan soo gaarin Caabuqa Corona.

Weriye Gamuute Cumarkujoog
Berbera Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here