Dawlada Itoobiya oo qabatay hub sharci darro ah.

0
19

Adisaba(saxilnews.com) Saraakiisha sirddoonka Itoobiya waxay u sheegeen telefishinka dowladda Itoobiya inay qabteen koonteenar uu ka buuxo hub sharci darro ah oo lasoo marsiiyay dhinaca dekedda Jabuuti.

Saraakiisha waxay sidoo kale sheegeen inay rumeysan yihiin in hubkan laga soo dhoofiyay dhinaca Turkiga isla markaana ay Itoobiya soo geliyeen kooxo caalami ah oo ka ganacsato hubka sharci darrada ah, sida laga soo xigtay warbaahinta.

Hubkan waxaa ku jiray ilaa 18,000 bastoolad, waxaana qiimahiisu lagu qiyaasay 13 malyan oo doolar.

Saraakiisha waxay ka dhawaajiyeen inay qabteen 24 qof oo looga shakisan yahay hubka. labo kamid ah dadkaas waxay u dhasheen Suudaan.

Weriye Gamuute Cumarkujoog
Berbera Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here