Theresa May ayaa dajin doonta tallaabooyin lagu xoojinayo iskaashiga Jordan iyo UK si wax looga qabto xagjirnimada iyada oo booqasho ku tagidoonta Cammaan Isniinta.
Waxaa kale oo ay isla soo qaadi doonaan sidii dalka Urdun looga taageeri lahaa qaxootiga ku qulqulaya ee ka baxsanaya colaadda Suuriya.
Ra’iisulwasaaraha Britain ayaa booqasho saddex maalmood ah ku mari doonta Bariga Dhexe.
Tababarka ayaa ka kala dhici doona Urdun iyo UK si loo kobciyo awoodda ciidammada urdun ay ku weerarikaraaan bartilmaameedyada kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka.
Theresa May ayaa sidoo kale booqanaysa Sacuudi Carabiya inta ay safarkaas ku jirtana waxay diiradda saari doontaa calaaqaadka ganacsiga iyo midka ammaanka iyadoo Britain ay isu diyaarinayso in ay ka baxdo Midawga Yurub.
Sacuudiga ayaa ah dalka calaaqaadka ganacsi ee ugu wayn la leh Britain marka laga hadlayo Bariga Dhexe, alaabada iyo adeega ay dalkaas ka soo galay ayaana lagu qiyaasay 6.6 bilyan oo gini sanadku markuu ahaa 2015.