DARYEEL LA,AANTA HAYSATA CISBITAALKA GUUD EE OODWEYNE IYO DURUUFAHA JIRA

0
24
vlcsnap-2015-05-12-18h42m58s94 vlcsnap-2015-05-12-18h44m09s37
Cisbitaalka guud ee degmada  oodweyne  xarunta gobolka daadmadheedh waxa ku xeeran xaalad aad u cakiran  oo dhibteeda leh, oo haba yaratee aanay cid u dhego nuguli aanay jirin ama u soo jeedaaba.
shalay ayay ahayd markii qoys ka kooban 7qof ay ku sunoobeen deegaanka maydayris ee degmada oodweyne 
ka dib na la waayay anbalaas u gurmada goobta ay dhibtani ka dhacday  ka dib na lagu soo qaaday gaadiidka dadweynaha.
markii la keenay cubitaalka guud ee magaalada oodweynana la waayay haba yaraatee wax qalab ah oo loogu adeego qoyskan , waxaana ku geeriyooday midka mid ah qoyskii isla goobtan , xaga intii soo hadheyna loo qaaday xarunta gobolka togdheer ee burco si loogu raadiyo goobo  caafimaad oo lagu badbaadiyo qoskan dhibtu ku habsatay  alle ha kaalmeeyee .
 
 sida oo kale waxaa jirta in shaqaalaha caafimaaadka cisbitalku aaanay ahyn kuwo khibrad u leh amase waayo aragnimo u leh sida loola tacaalo xaalada caafimaad ee bukaanku ku sugan yahay iyo gargaarka degdega ahba  .
shaqaalaha caafimaadka cisbitaalku haba yaraate  waa qaar aan  u jajabnayn  shaqada iyo waajibaadka ay u hayaan bulshada deegaanka waxaana kuu cadeynaysa arintan  xafiisyada cisbitaalka oo mar walba xidhan shaqaalaha oo aan ahay kuwo aan ku sugnayan cisbitaalka gudahiisa sida oo kale gudaha cisbitalku waxa uunoqday goob aan xaaladiisa nadaafadeed aanay wacneyn oo xoola loo soo daaq geeyo mararka qaarna waxaaba uuunoqdaa albeerko iyo goob  loo soo hurdo  tago .
hadal haan ma buuxshee waxaan kusoo duudabayaa halkanna fariin uga gudbinayaaa dhamaan cidda ay ku khuseyso arintan shacab iyo dawladba in wax laga qabto arinkan sida ugu dhakhsiyaha badan waayo waa waajib in laga taliyo caafimaadka bulshada wixii jirana la sheego.
 
W/Q   Sayid Mohamed Cumar (Darwiishka)
                      daad142@live.com
 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here