Qeylo dhaanta kubadda cagta ee ka dhanka ah go’aankii uu Michael Olivier kaga dhigay kooxdaJuventus gool ku laad galaftay noloshooda koobka horyaalada yurub ayaa gaartay qaaradda koonfurta America, waxeyna dadka badi u arkeen mid jilcan oo ay aheyd inuu ka gudbo.
Juventus ayaa kasoo rogaal celisay 3-gool oo ay Madrid dhalisay kulankii lugta hore kana dhacay Turin, balse soo laabashadooda waxey noqotay mid bilaash ah markii laga dhigay gool ku laad daqiiqadii ugu dambeysay ciyaarta, garsoore Michael Olivier ayaana rigoore ku tilmaamay qalad uu Mehdi Benatia kaga galay xerada dhexdeeda Lucas Vazquez.
Si kastaba goolhayihii hore xulka Paraguay Jose Luis Chilavert kaas oo sidoo kale mar soo maray horyaalka La Liga ayaa bartiisa twitter-ka isku celin waayay isagoo garsoore Michael Olivier ku tilmaamay ‘Mafia”
La mafia del fútbol lo deja fuera a la Juventus.
— José Luis Chilavert (@JoseLChilavert_) 11 апреля 2018 г.
Jose Luis Chilavert wuxuu adeegsaday luqadda Spanish-ka waxeyna u fasirmeysaa sidan: “Tuugada/Dambiilayaasha kubadda cagta ayaa xaqiijiyay ineysan Juventus gudbin” isagoo aad uga careysan go’aanka garsoore Michael Olivier.
Juventus waxey dib ugu laabatay talyaaniga iyadoo isaga hartay tartanka, halka Madrid ay ka mid tahay afarta kooxood ee usoo gudbay wareega semi final-ka Champions League iyadoo mataan la ah Roma, Liverpool & Bayern Munich.