Damacii Meherida ee Saylac iyo Isku Daygii Carabiyaynteeda

0
18
Markii ay aasaasantay boqortooyadii Koshin ama Saldanaddii Mehra intii hore waxay ku koobnayd deegaamada ay dagaan Mehridu ee beriga Yemen ku yaalla, se markii la is afgaran waayay Dawaladdii Daahiriya ayay Saldanaddu billawday dhul ballaadhsi ka fog kan ku yaalla qarka carabta, waxa la billaabay in gacanta lagu dhigo Saylac iyo Suqadra si magaca Saldanaddu u noqdo Saladanaddii Mehra, Suqadra iyo Saylac. Suqadra lagu guulaysay iyada waxaana isla markiiba gacanta lagu dhigay magaalada Xadiibo, magaaladan ayaa inbadan kaligeed ay la daala dhacayeen, halka Saylacna Mehridu iska buuxiyeen intaanay maleegin la wareegiddeeda.
Saylac oo inta badan ay joogeen Ciidamo ilaaliya Marsadeeda mashquulka badan hore waa loogu dhici waayay, markii danbe waxa lala eegtay maalmo ay ciidamadu ka maqanayeen, waa sannadii 945 Hijriya.
Mehridu waxay dileen Amiirkii Saylac ee la odhan jiray Siciid magaaladiina way qabsadeen, warku wuxu gaadhay Garaad Maxamed Ibraahim oo ay walaalo ahaayeen Axmed Guray, isla markiiba wuxu isku keenay ciidamo gaadhaya 400 oo Fardoolay ah iyo kumannaan Soomaali ah, markii ay maqleen Mehridu ciidanka soo socda midhadh aan badnayn ayaa baxsaday.
Ciidamadii Garaad Maxamed markii ay soo galeen Saylac waxay laayeen intay layn karayeen ee Mehrida, xoolahoodiina way dhaceen, wixii maati ahna wuu ka saaray Saylac.
1540 waxa ka baxay Saylac kooxdii ugu danbaysay ee Mehrida waxayna ahaayeen Odayaal wax garad ah, iyaga oo ka baqaya inay ku dhintaan gacanta Soomaalida ayay gaadheen magaalada Shaxar. Halkaana waxay ka sheegeen in aan la damci karin carro barru Sacdu diin iyo nawaaxigeeda, hadalladoodiina waxa kamid ahaa ( Shinbirkaan duulayn cabsi uu Soomaali ka qabo).
Maxaa sababay in lagu sheego Saylac buugaag u gaar ah Dalka Yemen? Mase la innoogu garaabaya in aynu ku sheegno Cadan, Mukalla ama Sanca buugaag u gaar ah Magaalooyinka Soomaalida?
Waxa fashilmay Qarnigii 16 iyo 17 isku daygii lagaga dhigi lahaa Saylac magaalo raacsan boqortooyadii Mehrida iyo si loogu baddalo magaalo u gaar ah Carabta reer Xadramawt, sidii laga yeelay Jasiiradaha Suqadra, Darsa, Samxa iyo Cabdi Kooriba.
Sannado kadib Saylac waxay noqotay mid taabacsan Cismaaniyiinta, waxayna hoos geeyeen Wilaayaddii Xudayda ee Yemen, halkaana waxa ku suura galay wixii in badan ay u cararayeen Yamaniyiintu oo ahayd in Saylac mar uun hoos timaado meel kamid ah Yemen.
Haddaba Markii uu Khadawi damcay in uu Herer qabsado wuxu arkay in aanu ka maarmayn Saylac iyo Berbera sidaa awgeedna wuxu ka codsada xukuumaddii Cismaaniyada in la siiyo Saylac iyo waxa taabacsan ( Tojorrah, Saylac, Bulloxaar iyo Berbera). 1875 waxa soo baxay amar lagu siinayo Khadawi magaalooyinku codsaday se taa baddalkeeda waa in uu kordhiya lacagtii Cismaaniyadu Masar ka qaadi jirtay.
Khadawina waxa kale wareegay Ingiriiska iyo Faransiiska, markii danbena waxay noqdeen laba dal Soomaaliya iyo Djibouti.
Saylac oo intaaba ka nabad gashay Carabaynta dhulkeeda, haddana kamay nabad galin carabayn qoraal, xaq uma laha Ismaaciil Akwac in uu ku sheego Saylac buuggiisa البلدان اليمانية عند ياقوت الحموي, iyada oo dal kale ka tirsan, sidoo kale Qaadi Axmed Alxajari isna xaq uumu lahayn in uu ku xuso Saylac buuggiisa مجموع بلدان اليمن وقبائلها. Waxa jira qorayaal kale oo dafirayba Saylac in ay dhacdo xeebta Soomaaliland, waa markii ay arkeen taariikhdeeda soo jireenka ah.
Waxaa qoray: Cumar Cabdi Iidaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here