Dagaalka Ukraine: Xog ku saabsan hubka nuclear-ka ee uu Ruushka isticmaali karo

0
15
russian soldier with Iskander missile

Wax yar kaddib markii uu Ruushka weerarka ku qaaday Ukraine, Madaxweyne Vladimir Putin ayaa sheegay in uu diyaariyay “awooddiisa gaarka ah” – taasoo ka dhigan hubka nuclear-ka – oo “heegan la geliyay”.

Arrintan waxay abuurtay cabsi badan oo ku aaddan in Moscow ay adeegsato hubka nuclear-ka “laga taxaddaro” oo afka qalaad lagu yiraahdo “tactical” – oo aan ahayn in si buuxda loo isticmaalo nuclear.

Maa maxay nuclear laga taxaddaray?

Hubka nuclear-ka ee laga taxaddaray waa midka loo adeegsan karo meelaha masaafaha dhow ah.

Sidaas waxay uga duwan yihiin hubka nuclear-ka ee loo yaqaanno “strategic” oo ah midka meelaha fog fog lagu weeraro. Xilligii uu socday Dagaalkii Qaboobaa, hubkan waxa uu ahaa kan ay labada awoodood ee ugu waaweynaa adduunka, oo kala ah Mareyknaka iyo Midowgii Soviet u adeegsan kareen in ay isku weeraraan.

Erayga “tactical” waxa uu sidoo kale qeexayaa noocyo badan oo hub ah, oo ay ku jiraan bambooyinka yar yar iyo gantaallada loo adeegsado “goobaga dagaalka”.

Muxuu Ruushka ka haystaa hubka nuclear-ka ee tactical?

Waxaa la aaminsan yahay in Ruushka uu haysto ilaa 2,000 oo ah bambooyinka hubka nuclear-ka ee loo yaqaanno tactical.

Bambooyinkan waxaa lagu rakibi karaa noocyo badan oo gantaallada ka mid ah, kuwaasoo sida caadiga ah loogu isticmaalo in ay xambaaraan waxyaabaha qarxa.

Waxaa xitaa lagu ridi karaa goobaha dagaalka iyagoo loo isticmaalayo sida hoobiyeyaasha.

Waxaa sidoo kale loo farsameeyay qaab ay ku qaadi karaan diyaaradaha iyo maraakiibta – tusaale ahaan waxaa lagu beegsan karaa maraakiibta biyaha hoostooda quusa.

Waxaa laga cabsi qabaa in Ruushka uu adeegsado bambooyinka yar yar ee nuclear-ka, inkastoo aysan u badneyn inay taasi dhacdo, sida ay khubarada sheegeen.

MOSCOW, RUSSIA - APRIL 15, 2020: The first upgraded 203 mm 2S7M Malka self-propelled artillery vehicle delivered by Uraltransmash (a subsidiary of Uralvagonzavod, part of the Rostec State Corporation) to the Russian Defence Ministry. The modernised model shows better performance thanks to a new running gear and improved electronics. Rostec Press Office/TASS (Photo by Rostec Press Office\TASS via Getty Images)

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,Ruushka wuxuu gantaalladiisa u adeegsan karaa inuu ku rido bambooyin nuclear ah

Sirdoonka Mareykanka ayaa sheegay in Ruushka uu isticmaalo xeelad lagu magacaabo “xaaladda kici si aad wax ugu dejiso” taasoo uu adeegsado marka uu dagaal kula jiro Nato.

Xeeladdaas waxaa qayb ka ah in uu sameeyo waxyaabo filan waa ah – sida in uu hubka sida taxaddarka leh loo isticmaalo u adeegsado goobaha dagaalka, ama in uu mudaharaad ka sameeyo meel – ama uu ku hanjabo inuu tallaabadaas ku dhaqaaqayo.

Ujeeddada laga leeyahay ayaa ah in dhinaca kale la cabsi geliyo oo uu dagaalka dib uga gurto.

Waxa laga walaacsan yahay waa in haddii uu Putin dareemo in la hareereeyay, dagaalka Ukraine-na uu ku guul darreysan rabo uu markaas adeegsado nuclear-ka, “si uu xaaladda oo dhan waji kale ugu yeelo” isagoo guul darrada iska ilaalinaya.

Hase yeeshee waxaa la aaminsan yahay in xaaladda ka jirta Ukraine ay farahiisa kasii baxeyso ama gudaha Ruushka looga kici karo ka hor inta uusan tallaabadaas ka fikirin.

Putin wuxuu sheegay inuu heegan geliyay hubka nuclear-ka

James Acton, oo ah khabiir ku xeel dheer arrimajha nuclear-ka, oo ku sugan Washington DC, ayaa yidhi: “Waxaan aad uba cabsi qabaa in haddii xaaladdu ay heerkaas gaarto uu Putin isticmaali doono hubka nuclear-ka, waxayna u badan tahay in uu ku dhufto Ukraine si uu u cabsi geliyo cid walba. Heerkaas wali ma aynaan gaadhin.”

Dr Heather Williams, oo ah khabiir kale oo ku takhasusay nuclear-ka, oo ku sugan London, ayaa isagana sheegay halka dhib ee jira uu yahay in aysan kala caddeyn waxa uu Putin u arki karo “guul” laga gaadho Ukraine – sidaas awgeedna ay taas tahay waxa Ruushka ku kallifi kara in uu isticmaalo hubka nuclear-ka.

Isticmaalka nuclear-ka ma noqon karaa mid uu waddan isaga isla dhacay?

Putin wuxuu sheegtaa in Ukraine ay tahay qayb ka mid ah Ruushka, markaasina haddii uu nuclear u adeegsado waxa uu dhulkiisa u yaqanano waa arrin layaab leh.

Ruushka qudhiisa ayaa halkaas u dhow, waxaana “soo gaari kara saameynta kasoo gudubta xuduudda”, sida ay ka digtay Patricia Lewis.

Marka kaliya ee hubka nuclear-ka loo isticmaalay dagaal waxaa adeegsaday Mareykanka oo Japan ku riday dhammaadkii Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Su’aasha uu qof walba isweydiinayo waxay tahay, Putun ma noqon doonaa hoggaamiyihii ugu horreeyay ee ku dhaqaaqa tallaabada laga wada fiirsado, ee isticmaala nuclear?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here