Dagaalka Ukraine: Wasiirka Gaashaandhigga UK oo farriin u diray Vladimir Putin

0
16
Ciidanka Ukraine oo jooga bar koontarool oo u dhow Kyiv
 

Wali way u furan tahay Vladimir Putin in uu soo afjaro dagaalka uu ku qaaday Ukraine, sida uu sheegay Wasiirka Gaashaandhigga ee UK, Ben Wallace.

Farriin uu u diray madaxweynaha Ruushka, ayuu Mr Wallace ku sheegay in Mr Putin uu uu waddankiisa halis u gelinayo in la go’doomiyo tobannaan sano haddii uu ciidamadiisa la bixi waayo.

Waxa uu sidoo kale sheegay in hubka halista ah ee thermobaric la geeyay halkaas, uuna isagu ka walwalsan yahay ilaa heerka uu gaadhi doono Ruushka muddada soo socota.

Maalintii Arbacada, Ra’iisul Wasaaraha UK, Boris Johnson, ayaa sheegay in Mr Putin uu horayba u leeyahay mas’uuliyadda dambiyo dagaal oo ka dhacay Ukraine.

Wasiirka gaashaandhigga ayaa hadalkan jeediyay isagoo uu wehlinayay dhiggiisa dalka Estonia, Kalle Laanet, oo ay si wadajir ah u qabteen shir jaraa’id oo ka dhacay caasimadda dalkaas ee Tallinn. Mr Wallace ayaa Estonia ku jooga booqasho uu ku marayo dalalka xubnaha ka ah isbahaysiga Nato.

Mr Wallace ayaa yidhi: “Cawaaqibka ka dhalanaya waxa aan indhaha ku heyno ee ka socda Ukraine waxay saameyn doonaan Yurub iyo Nato, kumana ekaan doonaan oo keliya isbuucyo balse waxay gaari doonaan bilo iyo sannado.”

A destroyed Russian Army all-terrain infantry mobility vehicle Tigr-M on a road in Kharkiv, Ukraine, on 28 February 2022

Muddo hal isbuuc ah oo uu socday dagaalka uu Ruushku ku qaaday Ukraine, waxa ay ciidamada Ruushku gacanta ku shigeen magaalada muhiimka ah ee dekedda ku leh Badda Madow, Kherson, oo ku taalla dhinaca koonfureed, dagaalkuna waxa uu kusii fidayaa waddankaas.

Magaalooyin badan ayay ku socdaan madaafiic aan kala joogsi lahayn, Arbacadii ayaana ahayd mid ka mid ah maalmihii uu burburka ugu xooggan ka dhashay dagaalka.

Ruushka ayaa markii ugu horreysay qirtay in uu militerigiisa khasaare xoog leh kasoo gaadhay dagaalka, iyagoo sheegay in laga dilay 498 askari, 1,597 kalena laga dhaawacay.

Hase yeeshee, Ukraine ayaa sheegtay in khasaaraha gaadhay ciidanka Ruushka uu gaadhayo kumannaan.

Baadhitaanno lagu sameynayo in ay suuragal tahay in Ukriane ay ka dhaceen dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah bani’aadannmimada ayay billowday Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ee fadhigeedu yahay magaalada Hague.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zeleynsky, ayaa sidoo kale ku eedeeyay hoggaamiyaha Ruushka in uu dambiyo dagaal galay, xilli waddankaas uu soo tabiyay in ay dhinteen dad badan 2,000 oo rayid ah tan iyo markii uu dagaalka billowday Khamiistii hore.

Shirka jaraa’id ee ka dhacay Estonia, ayuu Mr Wallace ku sheegay in aan ilaa hadda la ogeyn nooca uu yahay hubka uu Mr Putin damacsan yahay in uu adeegsado, balse waxa uu sheegay in ay jirto “tiro aad u badan” oo hubka artillery-ga oo la geeyay Ukraine, sidoo kalena hubka thermobaric – oo sidoo kale loo yaqaanno “vacuum bombs”.

Hubka Thermobaric ayaa ah mid ka waxyeello badan bambooyinka kale ee ay isku cabirka yihiin – waxaana uu sameeyaa qaraxyo waaweyn oo leh mowjado iyo awood dhuuqda hawada oxygen-ta ee ay dadka u baahan yihiin, iyadoo sidoo kalena dadka ku disha ama ku dhaawacda marka ay caadi ahana u gaarto.

Russian tank during military exercises in Russia

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Qoraalka sawirka,Taangi uu Ruushku leeyahay oo ka qayb qaadanayay dhoollatus lagu sameeyay gudaha Ruushka

Wasiirka ayaa sheegay in uu jiro walaac laga qabo ilaa heerka uu gaarsiisan yahay hubka uu Ruushka adeegsan doono mustaqbalka.

Isagoo ka jawaabayay qu’aal, ayuu Mr Wallace sheegay in ay adkaan doonto in beesha caalamka ay la dhaqanto Mr Putin mustaqbalka dambe, maadaama uu waddan xor ah ku daagay “dagaal dhammeystiran oo sababay burbur iyo qalalaase”.

Waxa uu intaas ku daray in hadda kaddib aysan suuragal ahaan karin in “xiriir caadi ah” lala sameeyo dowladda Ruushka sababo la xiriira dagaalka uu ku qaaday Ukraine “waase haddii uu Madaxweyne Putin go’aan ku qaadan waayo in uu joojiyo waxa uu hadda sameynayo”.

2px presentational grey line

Falanqeyn uu sameeyay wariyaha arrimaha gaashaandhigga ee BBC, Jonathan Beale

Wasiirka Gaashaandhigga waxa uu sheegay in dagaalka uu Ruushku ku qaaday Ukraine uu sababay jawaab mideysan oo ay waddamada Yurub ka bixiyeen, taasoo uu Madaxweyne Putin ku guul darreystay in uu horay usii saadaaliyo.

Waxaad arrintaas si toos ah ugu arki kartaa uguna dareemi kartaa gudaha caasimadda Estonia. Dhismeyaasha dowladda iyo fagaareyaasha magaalada Tallinn waxaa lagu xardhay midabbada calanka Ukraine.

Saraakiishu waxay ku jeeni qaarsan yihiin maryo dahabi ah oo taageero loogu muujinayo. Balse taageeradu aad bay uga weyn tahay sidaas.

Estonia iyo Denmark, oo ah labada waddan ee uu booqanayo Mr Wallace, waxay hub ku caawinayaan Ukraine.

Britain waxay sameynaysaa isla sidaas, waxayna sheegeysaa in ay gacan ka gaysaneyso “fududeynta” howsha ay hayaan guwa hubka gudbinaya – inkastoo mas’uuliyiinta UK aysan sharraxaad dheeri ah ka bixinin sida ay u sameynayaan arrintaas.

Denmark waxa ay si la mid ah UK ciidan ku kordhisay militeriga Nato ee ku sugan Estonia.

Britain waxa ay hadda labanlaab ka dhigtay ciidamada ka jooga Estonia, iyadoo ka jawaabeysa tallaabada uu Ruushku ka qaaday Ukraine.

Madaxweyne Putin waxaa looga digay in tallaabadan ay noqon doonto mid ka mid ah cawaaqibka ka dhashay weerarka uu ku qaaday Ukraine – waana in ciidamo dheeri ah oo Nato ka socda la geeyo xadka Ruushka, taasoo ka duwan dalabkiisii ahaa in la yareeyo ciidankaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here