Dagaalka Tigreega: Askar Iyo Rayid Qoxooti Ah Oo U Gudbay Xuduudka Itoobiya La Wadaagto Suudaan

0
24

Kumaan Dad Itoobiyaan ah oo ka barakacay dagaalka ka socday Gobolka Tigreega ayaa u gudbay xuduudka Itoobiya la wadaagto dalka Suudaan, sidaana waxa xaqiijiyey Masuuliyiin ka mid ah Dawladda Suudaan.

Dadka Qoxootiga ah ee Qaxay isla-markaana xuduudka Itoobiya u gudbay waxa ka mid ah Askar, sida uu Salaasadii Shalay sheegay Madaxa Hay’adda Qoxootiga ee Suudaan u qaabilsan Magaalo ku taallo Xuduudka dhinaca bariga ee Suudaan oo lagu Magacaabo Kassala.

“Qoxootigu way soo badanayaan, Xaaladduna waxay isku beddelaysaa Saacad-saacad..” ayuu yidhi Mr. Khaalid oo ah Madaxa Hay’adda Qoxootiga ee Suudaan u qaabilsan Magaalada Kassala.

Ugu yaraan, 2500 Qoxooti ah ayaa xuduudka ka gudbay labadii Maalmood ee u dambeeyay, laakiin waxa jira boqollaal Shacab Qoxooti ah oo weli ka gudbaya xuduudka Suudaan isla-markaana loo diyaarinayo habkii loo qaabili lahaa.

“Qiyaas ahaan 30 Askarta Itoobiya ah oo soo qaxay ayaa isku dhiibay Ciidammada Millateriga Suudaan ee jooga Kaantaroollada, sida uu sheegay Khaled.

Masuuliyiinta gudaha ee Suudaan ayaa iyaguna sheegay inay bilaabee inay diyaariyaan Kaamam ama Xeryo lagu qaabilo Dadka Qoxootiga ah ee ka soo qaxaya dagaalka ka socda Gobolka Tigreega ee Itoobiya, waxaana Hay’adaha gargaarku ka digayaan masiibo Bani-aadamnimo.

Suudaan waxay Xuduudka Itoobiya u dirtay Askar ka badan 6000, si ay isha ugu hayaan waxa ka socda Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here