Dagaalka internetka ee Reer Galbeedka iyo Ruushka oo digniin gaaray

0
16
Boris Johnson wuxuu gaaray MoscowLahaanshaha sawirkaPA
Image captionBoris Johnson waa wasiirkii arrimaha dibadda UK ee ugu horeeyay ee Ruushka booqdo, muddo shan sano ah

Boris Johnson ayaa ruushka u sheegi doono in ay joojiso weerrada dhanka internetka ah ee halista geliyay amniga qaranka Britain, ama ay wajihi doonto aargudasho la mid ah waxa ay sameyso oo UK ay qaadi doonto.

Wuxuu u sheegi doonaa in UK aysan lahayn ujeedo xun oo dhanka internet-ka ah laakiin ay leedahay awoodda farsamo ee ah dagaalka dhanka online-ka ah oo ay ku basaasi karaan.

Johnson wuxuu noqonayaa wasiirkii arrimo dibadeed ee Britain ee booqda Ruushka, muddo shan sano ah.

Socdaalkiisa wuxuu daba socdaa eedii Theresa May ee bishii la so dhaafay ay ku sheegtay in Ruushka uu isku deyay “in uu dhibaato u geysto bulshada xorta ah”.

Weriyaha BBC-da ee arrimaha diblumaasiyadda, James Robbins, wuxuu sheegay in xiriirka ka dhexeeyo labada dal uu marayo “meel xun oo aan wanaagsaneyn, iyo meel dhibban oo cabsi leh”.

Ra’iisul wasaaraha Britain waxay bishii Nofembar ka digtay halista “ololaha joogtada ah ee basaasnimada iyo rabshadda ah ee uu internet-ka ka wado Ruushka”.

Waxaa isla walaacaasi muujiyay Ciaran Martin, madaxa laanta amniga internet-ka, kaas oo sheegay in Ruushka “uu doonayo in uu wiiqayo hannaanka caalamiga ah”.

Kullan maanta ka dhacaya Moscow, Boris Johnson wuxuu dhiggiisa Ruushka, Sergei Lavrov, u sheegi doonaa in UK aysan aqbali doonin dhaqamada “colaadeed” ee Ruushka.

Ka hor kullankaasi, Mr Johnson wuxuu sheegay in xiriirka ka dhexeeyo Ruushka iyo Britain “uusan aad u sii xumaanin muddo dheer”.

“Waxaa jiro meelo uu Ruushka uga dhaqmayo sida cadow aad u xun oo ku soo wajahan daneheena gaarka, waana arrin aanan dhicin tan iyo markii uu dhammaaday Dagaalkii Qaboobaa”.

“Waan u cadeyn doonaa… in ay jiraan waxyaabo ay aad inoogu adag tahay in aan aqbalno, mana aqbali karno.”

Labada wasiir waxay sidoo kale isla soo qaadi doonaa halista amni ee Kuuriyada Waqooyi ku leedahay caalamka, in la dejiyo xaaladda siyaasadeed ee Suuriya iyo ilaalinta heshiiska nukliyerka Iiraan.

Mr Johnson sidoo kale wuxuu doonayaa in uu ogaado amniga ciyaartoyda Britain iyo taageerayaashooda, marka ay ka qeybgalayaan tartanka koobka adduunka ee sanadka soo socda lagu qabanayo Ruushka.

Ruushka waxaa lagu eedeeyay dhaawaca 100 qof oo England u dhalatay intii ay socdeen ciyaarihii horyaaalka kubadda cagta Yurub ee 2016-kii lagu qabtay Marseille.

Presentational grey line

“Howsha sidii hore ma ahan”

Muxuu yahay ujeedada kullankan oo laba goor oo hore la hakiyay?

Sida Britain ay dooneyso, waa in ay Ruushka, oo xubin joogto ah ka ah Golaha Amniga, ka dhaadhiciso ka wada shaqeynta halista muuqata ee sida gaarka ah uga imaaneyso Kuuriyada Waqooyi, iyo sidoo kale Suuriyada burburtay ee aysan ka soo muuqan saansaan nabadeed.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka wuxuu sheegay in dalkiisa “uu raadinayo waddo lagu xasiliyo xiriirka ay la wadaagaan Britain, iyo soo celinta wada shaqeynta”.

Laakiin Boris Johnson wuxuu sheegayaa in aysan si fudud u noqon karin “in howsha ay caadi isaga socoto”. Waxaa jiro filasho aad u yar oo ah in horumar wax ku ool ah aanan laga gaarin kullanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here