Dagaal Xooggan Oo Wali Ka Socda Deegaanka Tigraay Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

0
16

Ku dhawaad laba toddobaad deegaannada ku teedsan xadka ay wadaagaan deegaannada Amxaarada iyo Tigraay waxaa ka socda dagaal xooggan oo qayb ka aha dagaalka ay dowadda dhexe ku qaadday deegaanka Tigraay kaddib marki ay dowladda Itoobiya ciidamo daacad ah u ah TPLF ay ku eedeysay iney weerareen ciidammada federaalka ee qaybta waqooyi.

Rony Gibrael oo ka mid ah dadka ka soo qaxay dagaalka cirka isku sii shareeray ee Gobollka Tigreega ayaa sheegaysa in iyada aabbaheed, hooyahadeed iyo wiilkeeda ay soo carareen iyagoo wata dharka ay xidhan yihiin oo keliya.

“Haatan ma haysano lacag iyo waxaan cunnaba.” “Waxaanu ka soo cararnay dhimashada iyo dilka.”

Kummaanaan qof ayaa ka soo qaxayaa colaadda gobolka Tigreega kuwaasi oo intooda badan u qaxay dalka ay dariska ay yihiin ee Suudaan.

Suudaan ayaa sheegtay inay dadka ka soo barakacay dagaalka u dhaxeeya dowladda Itoobiya iyo jabhadda TPLF ay hooy siinayaan.

Qibra Silaasi oo isna ka mid ah dadka u soo barakacay Suudaan ayaa sheegay in laba dhinac laga soo duqeeyay oo ay colaadda dhexda u galeen.

Waxaa uuna labada dhinac ku tilmaamay dhanka gobolka Amxaarada iyo dhinaca dalkaasi Eritrea.

“Muddo afar saacadood ka badan ayaanu carareynay inagoo cagaheena maaleyna” ayuu yidhi Qibra Silaasi.

Dhanka kale Molo Gibrazel ayaa sheegaya in ciidamada ay gubeen guryahoodii isagoona sheegay in ayna jirin wax u hadhay oo raasimaal ah taasi oo ku khasabtay iney u qaxaan dalka Suudaan.

Hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha waxay deegaanka Tigraay ku edeeyeen iney dad shacab ah ah ku laayeen magaalada Mai-khadra, inkasta maamulka Tigraay ay eeddaasi gaashaanka u daruureen.

Dhanka kale wararka sheegaya in dad badan oo rayid ah lagu laayay gobolka Tigray ayay Qaramada Midoobay ku sheegtay inuu u dhigmo “dambiyo dagaal” haddii la xaqiijiyo.

Madaxa guddiga Qaramada Midoobey u qaabilsan xuquuqda aadanaha Michelle Bachelet ayaa ku baaqday in baadhitaan lagu sameeyo wararka sheegaya in laga yaabo in boqollaal qof lagu dilay hal magaalo.

Rai’sul wasaare Abiy Ahmed ayaa ku eedeeyay in xasuuqaasi ay geysteen xoogag daacad u ah hogaamiyayaasha Tigray.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxay xoogagga daacadda u ah TPLF ay ku eedeeyeen dilalkii dhacay Isniintii, sida ku xusan warbixin ay soo saartay hay’adda Amnesty International.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here