Deg Deg Dagaal Xoogan Oo Ka Dhacay Gudaha Magaaladda Berbera Iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Saaxil Oo Ka Hadlay

0
16

Berbera (Saxilnews.com) Magaalada berbera ayaa saaka kuwaabiriisatay dhawaaqa iyo codadka kala duwan ee rasaasta taasi kasoo bilaabatay dhinaca guryaha dawlada ee shacabka gaar ahaaana goob uu dhisanayey nin kamid ah mujaahidiintii magaalada Berbera Faysal Wadka

Ciidanka booliska oo uu hogaaminayo taliye Khushi ayaa hawlgalo xoogan ugu baxay kadib markii ay amar ka heleen badhasaabka Gobolka Saaxil Jamac Yusuf Axmed sida uu sheegay taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Saaxil

Ciidadmada oo wata gaadiidka gaashaman ayaa ku habsaday goobtii uu dhisanayey mujaahid faysal wadaka taasina waxay keentay inuu dagaal kala horyimaado ciidamada isaga iyo shacab ka gadoodsan sida ay ciidmada ula dhaqamayaan ninkaasi shacabka ahaa ee guriga dhisanayey intaasi kadib ciidmada ayaa rasaas xoogan ku harqiyey shacabkii kusoo qamaanay goobtii dhismuhu ka socday

Shacabka ayaa isku mar qudha dhulka utaabtay ciidanka oo dhagax ku harqiyey ciidankii adeegsanayey rasaasta nool waxaana halkaasi ka bilaabay iska hor imaad xoogan oo udhexeeya ciidanka booliska iyo shacabka ku dhaqan xaafada shacabka ee magaalada berbera

Taliyaha Ciidanka Gobolka Saaxil Mr Khushi ayaa sheegay inay gacanta kusoo dhigeen shacab aad utira badan oo gaadhay ilaa tobaneeyo ruux oo gacab siinayey nin dhisanayey dhul sharci darro ah taliyuhu wuxuu intaasi raaciyey inaan ilaa hada la hayn ninkii uu dagaalku ka bilaabmay ee Faysal Wadka

Dhanka kale sabaax oo kamid ahaa ragii goobtaasi aanu kula kulanay ayaa sheegay inuu ninkani samaysanayey jaajuur oo masaariif ka dayey waxayna meesha ka saareen inayn dhisme wadin waxa kale oo intaasi raaciyeen inuu ninkaasi mujaahidka ah ee lagu magacaabo faysal uu dhulkaasi lahaa tan iyo intii dalka lagu soo noqday

 

wixii warar ah ee soo kordha kala soco saxilnews.com

Saxilnews//Office

Berbera Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here