Dadweyne Ka Cabanayey Heerka Waxbarashad Dugsiyada Xaafadda Masallaha Ee Hargeysa Oo Hoos U Dhacday

0
17

Hargeysa (saxilnews)_Saaka ayaa wasaaradda waxbarashada Somaliland ayaa waxaa soo buux dhaafiyey waalidiin badan oo ka cabanayey heerka waxbarashada xaafadda masallaha oo hoos u dhacday.

Macallimiintii wax ka dhigay iskuulada xaafadda masallaha ayaa waxay joojiyeen inay wax dhigaan kaddib markii ay lacagtii mushaharka waaweeyeen.

Dhinaca wasiirka waxbarashada Somaliland Pro.faarax Cilmi geedoolee ayaa ka xidhay kaddinka dadkan gadoodsan.

Markay warfidiyeenaduna u galeen wasiirka waxaa uu sheegay inaanu wax war ah siinayn, kaliya RADIO HARGEYSA.

Waalidiintan oo aad u cadheysnaa ayaan cid masuul ka ah wasaaradda waxbarashadu la hadlin. Iyaga oo ka hulleeley wasaaradda waxbarashada Somaliland horteeda.

 

 

 

saxilnews005@gmail.com

 

 

 

mahamed ilkacase

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here