Sida ay sheegtay shirkadda gawaarida gurmadka degdegga ah, in ka badan 15 qof ayaa ku dhimatay laba qarax oo ka dhacay magaalada Muqdisho. `
Wararka waxay sheegayaan in labada qarax oo waaweynaa ay ka dheceen meelo u dhow madaxtooyada iyo dhismaha ciidammada Nabad Sugidda Soomaaliya.
Qaraxyada waxaa loo adeegsaday gawaari laga buuxiyay waxyaabo qarxa waxaana ka dambeeyay rasaas aad u xoog badan, sida ay dad goobjoogayaal ah sheegayaan.
Ciidamadda dowladda federaalka ee Soomaaliya waxay sheegeen in ay fashiliyeen qaraxyadaasi oo ay tilmaameen in mid ka mid ah uu ka dhacay meesha gawaarida la dhigto ee hoteelka Dorbin oo horey u ahaan jiray Baar FIAT, sida lagu qoray wakaaladda wararka dowladda ee SONNA.
Dowladda waxay sheegatay in ay soo afjareen weerarka Al-Shabaab. Afhayeen u hadlay wuxuu sheegay in illaa shan ka mid ah dableyda ay ku dileen goobaha ay israsaaseynta ka dhaceen.
Kooxda Al-Shabaab oo sheegatay weerarka kama aysan hadlin goobta rasmiga ah ee ay bartilmaameedsadeen