Hargeysa(Saxilnews.com)Ugu yaraan 65 qof ayaa geeriyooday, tobaneeyo kalena waa dhaawac, kadib markii ay maanta qarxeen burjikooyin gaas ah oo dul saarnaa tareen ay ka buuxaan xujaaj reer Pakistan ah.
Shilkan ayaa dhacay xilli tareenka uu marayey meel baadiyo ah oo ka tirsan bartamaha gobolka Punjab.
Qaar ka mid ah dadka ayaa dhintay kadib markii ay iska tuureen tareenka si ay uga baxsadaan dabka ka kacay.
Muuqaallo taleefishinada laga sii daayey ayaa muujinayey dabka oo kusii baahaya tareenka, ayada oo la maqlayey dadka aad u oynaya.
Qaar ka mid ah rakaabka – oo badankood u socday mid ka mid ah isu-imaatinnada diimeed ee ugu weyn dalka Pakistan – ayaa karsanayey quraac, markii ay qarxeen laba ka mid ah burjikooyinka gaaska ee ay isticmaalayeen, suda uu AFP u sheegay Ali Nawaz oo ah sarkaal sare oo ka tirsan maamulka tareennada ee dalka Pakistan.
Dadka Pakistan badankood ayaa marka ay safar dheer galayaan qaata cunno, hase yeeshee waa mamnuuc burjikooyinka gaaska, waxaana Nawaz uu sheegay in baaritaan lagu samaynayo dhacdadan.
Abdirashid rooble cadare
Saxilnews.com
berbera