Dab Xoogan Oo Saaka Barqadii Qabsaday Xeryaha Xoolaha Lagu Xareeyo Ee Koonfurta Berbera

0
20

Berbera (Saxilnews.com)-Dab xoogan ayaa manta barqadii ka kacay xeryaha xoolaha lagu xareeyo ee dhanka koonfureed ee magaalada berbera kadib markii ay maalmihii ugu danbeeyey magaalada berbera ay ka dhacayeen dabaylaha xoogan ee loo yaqaano maansuum koonfur galbeedka

Waxaa dabkaasi oo aan ilaa hada la xaqiijin waxybaaha sababay gurmad xoogan ka gaystay waaxda dabdemiska Berbera iyagoo halkaasi gaadhay kadib markii dabkaasi xadhkaha goostay isla markana saameyey ilaa 6 xero oo xoolaha lagu xarayn jiray wakhtiyadii hore

Mudo kadibna halkaasi waxaa lagu damiyey dabkii goobtaasi ka kacay oo ay dadaal xoogan ka galeen waaxda dabdemiska ee hirgeliyey gudoomiyaha golaha deeganka Berbera Cabdishakuur Maxamed Xasan (Cidin) waxaa sidoo kale laga cabsi qabaa inuu dabka kale kakaco goobaha xeryaha adiga ee magaalada Berbera maadama wakhtigani dabaalo xoogani ka jiraan magaalada

Waaxda la dagaalanka dabka ayaa maalmihii ugu danbeeyey heegan xoogan kaga jirtay magaalo xeebeda berbera iyagoo ka welwel qaba dab yimaada ama bilaabma wakhtiga dabaysha

Saxilnews.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here