Dab ka kacay New York oo dad badan dilay

0
27

 

Dhismaha uu dabka qabsaday oo gawaarida dab damiska ay hortaagan yihiinLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionDhismaha uu dabka qabsaday oo gawaarida dab damiska ay hortaagan yihiin

Dambi baarayaasha magaalada New York ayaa rumaysan in dabka ka kacay xaafadda Bronx ee dilay 12 qof ee ay ku jiraan afarta carruurta ah uu sababay canug yar oo ku dheelayay qalabka wax lagu karsado.

Wiil saddex jir ah oo aanay cidina la joogin ayaa si lama filaan ah waxa uu u bilaabay dabka, waxaa sidaasi sheegay gudoomiyaha waaxda dabka ee magaaladaasi Daniel Nigro.

Hooyada dhashay wiilka ayaa markii ay dabka kala baxsanaysay labadeeda canug waxa ay ka tagtay albaabka oo furan taas oo dabka u sahay inuu guriga ku faafo.

Dabka kacay habeenkii Khamiista ayaa ah kii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca magaaladaasi ugu yaraan muddo 25 sanno ah sida uu sheegay maayir Bill de Blasio.

Booliska ayaa sheegay in dadka dhintay ay ka mid ahaayeen saddex gabdhood oo ay da’doodu ku sheegeen hal sanno jir, laba jir iyo todoba sanno jir, iyo wiil aanan weli la aqoonsan.

Ugu yaraan 20 qof ayaa laga soo badbaadiyay goobaha loogu talgalay in dabka looga baxsado, sida ay saraakiishu sheegeenLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionUgu yaraan 20 qof ayaa laga soo badbaadiyay goobaha loogu talgalay in dabka looga baxsado, sida ay saraakiishu sheegeen

Saraakiisha ayaanan weli shaacin magacyada dadka dabka ku waxyeeloobay, hasayeeshee shan ka mid ah ayaa la sheegay inay ku dhinteen isla goobta.

Ugu yaraan 20 qof ayaa waxaa laga badbaadiyay goobaha loogu talagalay in dabka looga baxsado halka 12 qof oo kalana laga soo saaray dhismaha.

In ka badan 170 howlwadeennada dabka la dagaalamo ayaa xakameeyay dabka xilli weliba qabow ba’an uu dhacayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here