Berbera (Saxil News.com)-Soo Dhawaynta Muuse Biixi Cabdi Awgeed ayaa Manta Loo Fasaxay Guud Ahaanba Ardayda wax ka Barta Gobolka saaxil Gaar Ahaana Magaalada Berbera Iyo Deeganada Uu Gudoomiyuhu Socdaalka Ku soo Maray Ee Dacar Budhuq Abdaal Iyo Deeganada Hoos Yimaada .
Caruurta Yar Yar Ee Ku dhaqan Deeganadaasi ayaa Laamiga Hareerihiisa Tubnaa Gelinkii Hore Ee Manta Tan Iyo Intii Muuse Biixi Soo Gaadhayey
Marka Laga Yimaado Ardayda Waxaa Sidoo Kale Dhacday Inay Fasax Ahayeen Haayadaha Dawlada Ee Ka Hawlgala Magaalada Berbera Sida Dekeda Dawlada Hoose Haamaha Iyo Xarumaha Kale Ee Gobolku Ka Mid Ka Yahay
Waftigaasi Muuse Biixi Hogaaminayo Ayaa Magaalada Berbera Kala Kulmay Dhabar Jeedin Iyo Inay Cidi Usoo Bixi waydo Marka Laga Reebo Shaqaalaha Yar Ee Dawlada Iyo Kooxo Lasoo Kireeyey .
Dhacadada Layaabka Leh Ayaa Waxay Noqotay Inay Maamulka Gobolka Saaxil Soo Raafaan Gaadiidka Yar Yar Ee Loo Yaqaano Tartiibta Oo Ay soo Tubaan Kaantarolka Dhinaca Galbeed Ee Berbera
berbera2002@gmail.com