Hargeysa (Saxilnews):- Xildhibaan Siciid Cilmi rooble oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiiladaee laga soo doortey gobalka Saaxil ayaa waxaa uu madaxweyne Siilanyo ugu baaqay in talada dalka uu iska casilo oo uu Saylici ku wareejiyo
Xildhibaanka ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in madaxweyne Siilanyo magaciisii dhintay oo uu dalkan kaga tagi doono taariikh xumo dalkan hadii uu madaxweyne Siilanyo talada dalka sii hayo
Dhinca kale xildhibaanka ayaa sheegay in madaxweyne Siilanyo ay ku hoos noolyihiin dad uu ku sheegay diir iyo ayax , waxaana uu xusay in uu dalku u baahan yahay isbedel iyo in xisbiga Kulmiye dalka laga bad baadiyo
Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan
https://www.youtube.com/watch?v=4QGBBitOdQQ