Daawo:-Xisbiga Waddani Oo Qof Qof U Soo Bandhigay Shaqaale Dawladeed Iyo Ciidan Uu Xisbiga Kulmiye Xilal Ku Taxay , Kuna Dhawaaqey Dacwad Ay Gudbin Doonan

0
25

Hargeysa (Saxilnews):- Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani oo ayaa waxaa uu qof qof u soo bandhigayshaqaale dawladeed iyo ciidan uu xilal ku taxay xisbiga muxaafidka ee Kulmiye .

Image may contain: 1 person, drink

Image may contain: 3 people, people sitting

Gudoomiyaha gobalka Maroodi-Jeex ee xisbiga Waddani oo warbaahinta kula hadlaayey magaalada Hargeysa waxaa uu sheegay in xisbiga uu jabiyey xeerkii sheegayey in aanay shaqalaha dawladu iyo ciidanku ku dhex milmin xisbiyada siyaasada dalka isla markaana ay xisbiyada dhex u ahaadan

Gudoomiyuhu waxaa uu sheegay in xisbiga Kulmiye xilal uu dhawaan ku taxay xubno ka mid ah shaqaalaha wasaaradaha dalka iyo xubno ka oo ka tirsan ciidamada Booliska iyo madaxtooyada .

 

Waxaana ka mid ah xubnahaasi ciidanka iyo shaqaalaha dawladeed isku jira ee xisbiga Kulmiye xilalka u magacaabey

1. Nuxuyidiin Cabdi Shiil oo loo magacaabey gudoomiye ku xigeenka 26 Junne waa shaqaale dawladeed waxaanu uu maamule ku xigeen ka yahay dugsiga sare ee 26 Junne

2. Ceydaruus Axmed Ismaciil oo loo magacaabey abaabulka 26 junne waa shaqaale ka tirsan wasaarada Maaliyada

3. Cabdi Shugri Maxamuud oo loo magacaabey gudoomiye ku xigeenka degmada Axmed Dhagax waa shaqaale dawladeed oo jooga wasaarada Caafimaadka

4. Haybe Good Hurre oo loo magacaabey xoghayha degmada Axmed Dhagax ee xisbiga Kulmiye waa askari xidile ah oo ciidanka Booliska ka tirsan

5. Mustafe Yuusuf Dhego Cade oo loo magacaabey gudoomiyaha dhalinyarada degmada Axmed Dhagax waa askari ciidanka Booliska ah

6. Maxamed Ismaciil Daahir oo loo magacaabey gudomiye ku xigeenka degmada Maxamuud Haybe waa ciidanka damdamiska

7. Axmed Yoonis Aadan Juxe oo loo magacaabey gudoomiyaha degmada Gacan Libaax waa ciidanka Sirdoonka Madaxtooyada

8. Saleeban Xaashi Nuur gudoomiye ku xigeenka 31 May ayaa loo magacaabey waa sarkaal sare ee ka tirsan wasaarada waxbarshada

9. Axmed Cismaan Aadan gudoomiyaha dhalinyarada 31 May baa loo magacaabey waa shaqaale wasaarada caafimadka ah kana hawl gala cisbitalka guud ee Hargeysa

10.Cabdiraxmaan Maxamuud Gaaxnuug ababulka iyo waceyi galinta degmada 31 May ayaa loo magacaabey waa maamulaha iskuulka sheekh Maxamed Cali Dayip

 

Ugu Danbeyn masuulyiintan xisbiga Waddani waxaa ay sheegen in ay dacwad u gudbin doonan cid kasta oo arimahani khuseeyaan isla markaana aanay ka hadhi doonin inta sharciga la marin doono masuulyiintan

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

https://www.youtube.com/watch?v=Q-mJqZSyyPU

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here