Xoghayha arimaha bulshada ee xisbigaasi Muddane Cabdiraxmaan Axmed Cali oo qaar ka mid ah warbaahinta kula hadley xarunta guud ee xisbigaasi waxaa uu banaanka soo dhigay siro badan oo ka danbeysa in xisbiga Kulmiye la dareen noqon waayo shacabkiisa dhibaateysan ee gobalada Bariga isla markaana uu u jecel yahay in doorashada la qabto wakhti lagu jiro abaar Xun
Muddane Cabdiraxmaan waxaa uu sheegay in xisbiga Kulmiye aaminsan yahay in uu ku filan yahay codka gobalada Galbeedka iyo waqooyiga Hargeysa isla markaana uu cadeeyey in uu ka marmey codkii gobalada bariga Somaliland waxana uu yidhi
“Kulmiye go,aankiisa rasmiga ah ee aanu ognahay waxaa weeye ee uu leeyahay doorashada ha la qabto iyada oo daruuftaas lagu jiro waxaa uu isku qanciyey xisbiga Kulmiye in uu ku soo bixi doono deeganada galbeedka iyo waqooyiga Hargeysa oo uu is yidhi cidi kamay guurin , dadka ay abaaruhu ku dhaceena dadkaas ma aha .
Waxaana cad in xisbiga Kulmiye dadkii gobalada Bari ee Berbera ka bilaabmata aanu dan ka laheyn marka ay leeyihiin shuraako ayeynu nahay iyo marka ay iska ilmeysiinayaan waxaa ay ilmadaasi u muuqataa ilmadii yaxaaska , waxaana si cad kulmiye inoo tusay in aannu u baahneen codka gobalada bariga oo uu Hargeysa iyo galbeedka uu dadkiisu degan yahay , bulshadana waxaan u cadeynayaa in aanu Kulmiye dan ka laheyn ” ayuu yidhi xoghayaha arimaha bulshada ee xisbiga UCID
Dhinca kale waxaa uu xisbiga UCID eedeymo ka dabo tuuray musharaxoodi hore ee Jamaal Cali Xussen waxaaana ay ku sifeyeeen siyaasi Sameyntiisu ku kooban tahay deeganada uu ka soo jeedo
” Jamaal waa la ogaa oo Berbera ayuu yidhi Calmada UCID tuura maanta Buro ayuu ka wadaa markaa waxaan leeyahay degandaasi waa kuwii aad ka soo jeedey ee hadii aad Berbera iyo Burco aad ka sameysay bal hadii aad sameyn leedahay hal xafiis oo intaas aheyn bal raaci ” ayuu hadalkiisii ku soo gabo gabeeyey
Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan