Daawo:-Xisbiga Kulmiye Oo Ku Fashilmay Fulinta Balan Qaad Uu Dhawaan Shacbiga U Soo Bandhigey + Nooca Uu Yahay Balan Qaadkaas Beenoobey

0
30

Hargeysa (Saxilnews):- Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye ayaa waxaa uu

ku fashilmay in uu fuliyo balan qaad uu dhawaan u soo bandhigay shacbiga Somaliland kaas oo noqdey mid beenoobey isla markaana aan la fulin .

Waxaa ay aheyd 10.11.2016 markii xisbiga Kulmiye War Saxaafadeed ka soo baxay xaruntiisa dhaxe lagu sheegay in uu joojiyey gabi ahaanba xisbigu xafladihii soo dhaweynta ahaa ee uu u sameyn lahaa taageerayaasha ku soo biiraya abaaraha dalka ka jira awgood

 Ma noqon balan qaadkaasi mid sidii uu ahaa u fulay isla markaana waxaa uu noqdey hal bacaad lagu lisay , waxaana xisbigu uu si is dabo joog ah u bilaabay xaflado iyo soo dhaweyn fooladeysan oo uu u sameynaayo tageerayaal ku soo biiraya iyada oo ay dalka ka jiraan abaaro aad u xoogani .

Waxaana xisbiga Kulmiye u muuqdaa mid aan la dareen aheyn shacbigiisa dhibaateysan ee abaaraha xoogani ku dhufteen isla markaana ah shacbiga uu bari codka ka rabo uu ku dul sameynaayo iyaga oo dhibaateysan xaflado fantisyo ah

Dhinca kale waxaa iyaduna mad madow iyo ka shaki yeelatay sida ay bulshada Somalilad u amaani karaan balan qaad uu xisbigani sameeyo madaama oo balanqadkiisii ugu danbeeyey ay noqotay natiijadiisu sidan

Halkan Hoose Ka Daawo War Saxaafadeedkii Kulmiye Ku Sheegay In Uu Joojiyey Xafladaha

https://www.youtube.com/watch?v=hwMkdeDg7s0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here