Hargeysa (SaxilNews):- Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog oo ka mid ah mudanaayaashagolaha wakiilada Somaliland ayaa waxaa uu ka hadley sababta ay xisbiyada mucaaridku ugu sacabo tumayaan muddo kordhin mar kale loo sameeyo xukuumada xisbiga Kulmiye na u diidan yahay
Xildhibaanka ayaa waxaa uu sheegay in xisbiyada mucaaridku doonen muddo kordhin balse ay ka naxayaan dadkoodii oo abaaro xoogani haystaan oo ay xoolihiina ka madheen
Sidoo kale xildhibaanka ayaa waxaa uu sheegay in sababta uu xisbiga Kulmiye u diidan yahay in muddo kordhin loo sameeyo ay tahay isaga oo aamisan in gobalada galbeedka aanay abaari ka dhicin
” Waanu ognahay in xisbiga Kulmiye is leeyahay galbeed baanay abaaro ka dhicin ee doorashada sidaas ha lagu galo ” ayuu yidhi xildhibaanku
Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan
https://www.youtube.com/watch?v=1lpkwkGPHeU