Hargeysa (Saxilnews):- Wasiir ku xigeenka gobalada iyo degmooyinka ee wasaarada arimaha gudaha
Somaliland Jaamac cabdilaahi Biin ayaa waxaa uu mar kale ka hadley khilaafka ka taagan golaha deeganka magaalada Saylac
Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in isaga yo wafti uu hogaaminaayo ay dhawaan safar ku tageen magaalada Saylac sidii ay khilaafkaasi u xalin lahayeen balse ay isku mari wayeen .
Sidoo kale wasiir ku xigeenka oo wareysi siiyey telefishanka Bulsho Tv waxaa uu cadeeyey in khilaafkaasi maxkamada sare loo gudbin doono si ay tafsiir sharci uga bixiso
Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan
https://www.youtube.com/watch?v=SHdGwDObvao