Hargeisa(Saxilnews) Iskaashatada Hiliblayda Nafaqo Ee Magaalada Hargeisa ayaa manta Kulan Balaadhan Oo Ay iskugu Yimaadeen waxay Baaq Cabasho ah Udireen Masuuliyiinta Qaranka Ugu Sareeya
Baaqan Cabashada ah Ee Ay Iskaashatada Hiliblayda Nafaqo Dirtay ayaa waxa Uu Ujeedadiisu Daarnayd Shir Maalintii shalay ahayd kaqabsoomay Hoolka shirarka Ee Dawlada Hoose Kasoo laysku dayay in lagu fara maroorsado Maamulka hada jira ee Iskaashatada Hiliblayda Nafaqo
Shirkan Oo Aykasoo Qaybgaleen Dhamaan maamulka Iskaashatada Nafaqo Ayaa Waxaa Ugu Horayn halkaas Kahadlay Gudoomiyaha Iskaashatada Md Maxamuud Xasan Cali Kasoo Ugu Horayn kawarbixiyay Inuu Ururkoodu Yahay Ururka Bulsho Ee Ugu Balaadhan Somaliland Sidoo Kale Waxa Uu Sharaxay Shuuruucda Iyo Xeerarka Udajisan Iskaashatada Waxaanu Eed Balaadhan Usoo Jeediyay Qaarkamida Xildhibaanada Golaha Deegaanka Caasimada Oo Uu Ku Eedeeyay In Dano gaar ah kuwataan Niman Shaqaale ah oon kamid ahayn maamulka Ururka
Gudoomiyuhu wuxuu sheegay inuu sharciga Ururka Uu Uhogaansanyhay Isagana Uu Xilka Kuqabtay isla mar ahaantaasina Uu Sharcigaas kaga Dagaayo
Dhanka kale Maamulka Waxay soo bandhigeen xildhibaanada arintan kadanbeeya ee kutuntay sharcigii ururkooda waxaana kamid ah Xildhibaanka arimaha bulshada Mubaarig cabdimalaw Xildhibaan Cismaan waxar Iyo Gudoomiyaha Arimaha Bulshada Khadar
Ururka Iskaahstada Nafaqo Waa Urur Sharci ah Oo Kadiiwaangashan Dawlada Hoose Ee Caasimada hargeisa
Hargeisa/Office
https://www.youtube.com/watch?v=HsFH6Ayv-Lc