Daawo:-Suxufiga Caanka Ah Ee Raage Omaar Oo Warbixin Naxdin Leh Ka Diyaariyay Xaaladda Abaareed Ee Somaliland 

0
21

 

Hargeysa()Suxufiga rugcadaaga ah Mr. Raage Omaar oo ah tifaftiraha Arrimah Caalamiga ah (International Affair Editor) ee telefiishanka ITV News oo safar ku yimi Somaliland, ayaa warbixin ka diyaariyey abaarta ba’an ee saamaysay Somaliland, waxaannu iftiimiyey in ay jiraan masiibooyin dabiici ah oo laga hor tagi karaayey, balse ku dhaw in ay gadhaan xaalad aan waxba kaga qabab karin.

sawstream_img

“Waxa aan safar ku marnay Dacal ka dalac Somaliland si aan u soo ogaanno saamaynta abaartu ku yeelatay degaannada baadiya ah ee aadka u fogfog. Roobabkii ay ku xidhnaayen malaayiiin qof iyo xoolo ah ee miyigu ee xooluhu quudka ka heli jireen ma ay da’in, waxaanay bulshadu aagan tahay xaalad masiibo ah oo keeni karta in abaartu ka sii darto oo xaalad xun gaadho.

stream_img

Waa dal ay ku nool yihiin afar milyan oo qof, dawladiisuna haynteedu yar tahay, taasoo dhaqaale ahaan ku xidhan 70% xoolaha nool dhoofkooda. Dawladda iyo dadka Somaliland wali waxay ku tiirsan yihiin 18 milyan ee xoolaha nool ah, balse 10 Milyan oo xoolahaas ka mid ah waxa ay ku leedeen abaarta,” ayuu warbixintiisa ku sheegay Raage Omaar.

Warbixintan waxay dibada u soo saartay xaalada nafaqo darro ee haysata qoysaska abaartu barakicisay, gaar ahaan ubadka yar yar xaalad caafimaad u soo doonta masaafo aad u fog ama Hargeysa u yimaada.

streamaa_img

Abaartu qarnigii 20aad waxay dhici jirtay tobankii sannaba hal mar, balse hadda saddex sanno oo isku xiga degaannada Somaliland wax roob ah may helin, waxa ay arrintan u baahan tahay in dalalka Geeska Afrika iyo Daneeyayaasha Caalamiga ah ay dedaalkooda ku bixiyaan sidii xaaladan looga bixi lahaa.

streaaam_img

“Intii aan safarka Somaliland ku jirnay waxa aan ka bilawnay magaallo xududeedka Togwajaale ilaa degaannada xuduuda ee bariga fog ee ka shisheeya Burco oo ay meelaha qaar aad u adag tahay in la gaadho. Waxa aan aragnay baadiye iyo bulsho xoolo raacato ah oo meel ka meel isaga gudbay si ay u badbaadsadaan xoolahooda u hadhay, meel kasta oon aragnana waxa yaalay raqda riyaha, idaha iyo geela” ayuu Raage Omaar warbixintiisa ku yidhi.

Xigasho Hangoolnews

Halkan Ka Daawo Muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here