Hargeysa (Saxilnews.com):- Wasiirka wasaarada xanaanada Xoolaha Somaliland Xassan Maxamed Gaafaadhi ayaa waxaa uu cadeeyey in markab Somaliland xoolo nool ka qaadey afar cisho ka hor uu ku xayiran yahay Dekada Magaalada Jiddah ee dalka Sucuudiga , kadib markii dawlada Somaliya ay cabasho ka gudbisay isla markaana Dekada Berbera ka shiraacdey oo ay Somaliya dooneyso in ogolaansho ay iyadu bixiso xoolaha Somaliya ku dhoofaan
Wasiirka ayaa ku hanjabey hadii arintaasi xal loo waayo in ay Somaliland raadsan doonto suuqyo kale oo ay xoolaheeda u dhoofiso
Sidoo kale Wasiir Gaafadhi oo Saxilnews.com su,aal ka weyday xaalada Colaada Ceel Afweyn ka soo cusboonaatey isla markaana waxaa uu ka gaabsadey in uu arintaasi wakhtigan ka jawaabo
Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan