Hargeysa (Saxilnews):- Xoghayihii hore ee dawlada hoose ee magaalada Hargeysa Axmed Darajo ayaawaxaa uu dhaliilay isla markaana uu raaali galin ka bixiyey hadalo shalay ka soo yeedhay siyaasi Xussen Axmed Ceydiid oo ka mid ah masuulyiinta xisbiga Waddani
Waxaa uu sheegay Axmed Darajo in hadalada ka soo yeedhay Xussen Axmed Ceydiid ee uu ku eedeynaayo Marwo Aamina Waris uu raali galin ka bixinaayo isla markaana ay ahayeen hadalo meel ku dhac ku ah qaranka lagana filaneen in ay ka soo yeedhaan qof dawlada hore ula soo shaqeeyey
Sidoo kale Axmed Darajo ayaa waxaa uu raali galin ka bixiyey hadalo isla shalay ka soo yeedhay Cabdilaahi Jawaan Mar uu ku dhawaaqaayey in uu iscasilay , hadaladaasi oo ahaa in madaxweyne ku xigeenka uu caajis ku dilay xafiiskiisa oo aanu waxba qabanin
Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan