Hargeysa (Saxilnews) Wasiirka warfaafinta Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cismaan Cabdillaahi Saxardiid Caddani ayaa sheegay in Shirkii golaha wasiirada ee tirsigiisu ahaa 2/25/2017 -220 oo uu hoogaaminayay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland leyskula soo qaday laguna gudoomiyay in aan la aqbalin lacagta 200,000$ ah ee dawlada aynu jaarka nahay ee Soomaliya tidhi waxaan ugu deeqay maamul goboleedyada Soomaaliya oo aanay Jamhuuriyada Soomaaliland kamid ahayn waxaanu sheegayaa in Somaliland tahay dal madaxbanana.
Wasiirka warfaafinta mudane Cismaan Cabdillaahi Saxardiid isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Waxaa la gudoomiyay inaan la aqbalin lacagta labada kun ee boqol ee dollar ah, oo ay tidhi dawlada Soomaaliya waxaanu ugu deeqnay maamulada Soomaaliya oo aanay dawlada Somaliland ka mid aheyn, waxaananu u sheegay in dawlada Somaliland ay dal madax banaan tahay”
Wasiirku waxaa kale oo uu tilmaamay in qaranka Somaliland ay isku tashadeen wadaana qorshe ah ka-soo kabashada dadka abaaruhu saameeyeen waxanu yidhi “Waxa kale oo aanu sheegayaa Dawladda Soomaliya in Umadda Jamhuuriyada Soomaaliland ay kujirto Qorshaha kasoo kabashada Abaaraha lana ururiyey lacag dhan 3281,940.55, Qorshuhuna yahay in la ururiyo lacag dhan 6 milyan oo Dollar, lana filayo sida hawshaasi usocoto in ay lacagtaasi ka badato.
“Waxa kale oo aanu Umadda Jamhuuriyada Somaliland ugu baaqaynaa inay ka dhiidhiiyaan quudhsiga Soomaaliya wado oo ficil ahaan u bedelaan inay ururiyaan lacagtaas balaadhan oo ay aduun weynaha iyo Soomaaliyaba tusaan inaynu nahay umadd isu damqata oo isku tashada cid ama gobol Somaliland ah oo aqbali karaana majiro lacagtaas Soomaaliya”Ayuu yidhi Caddani
Sidoo kale Caddaani waxaa uu hoosta ka xariiqay qadarka lacageed ee lagu xukumay wasiirkasta inuu bixiyo “Waxaa kale oo la isla qaatay in golaha wasiirada, wasiir walbi uu bixiyo lacag dhan 500$, sidoo kale agaasimayaasha guudna ay bixiyaan lacag dhan 200$ wasiirka warfaafinta Somaliland”
Halkan Ka Daawo