Waxaana bulshadii saaka usoo baxday suuqa markii uu raxmaadka eebe qaaday ay hal mar uun arkeen soodh iyo dhimbiilo dab ah oo ka baxaya xadhko isku maran oo dul mara suuqa wayn ee magaalada Hargeysa,waxaana hal mar uun istaagay isku socodkii gaadiidka iyo dadka iyaga xadhkahaasina ay khatar galiyeen bulshadaasi.
Waxaana ololka ka baxay xadhkahaa isku maran markiiba goobta soo gaadhay ciidamada Dab-damiska ee caasimada Hargeysa kuwaas oo bakhtiiyey soodhkii ka baxayey xadhkahaasi isku maran.
Sidoo kalena xadhkahan isku maran ayaa xilliyada roobabku curtaan waxa ay sababaan dhibaatooyin naf iyo maalba leh,waxaana inay wax ka qabato xadhkahaasi ku guul daraystay xukuumadda Somaliland iyo maamulka dawlada Hoose ee caasimada Hargeysa kuwaas oo tahli kari waayey inay shirkadaha laydhadhka iyo telefoonada ku amraan inay xadhkahooda dhulka hoostiisa mariyaan.
Sawiradan halka hoose idinka muuqdaa waa suuq waynaha magaalada Hargeysa,waxaana xadhkaha dul mara suuqa ay sababeen soodh khatar galiyey nafaha dadka,waxaana goobaha qaar ay sanadkii hore markii raxmaadka eebe curttay ay xadhkahaasi sababeen dhimashada dad kuwaas oo uu laydku ku dhagay.