Sawirada iyo Muuqaalka ay baahiyeen Kooxda Daacish ayaa waxaa ka muuqda labada askari oo silsilad ku xidhan dabna xaga danbe looga soo shiday , waxaana ragaasi oo xidhan yahiin direyska ciidan
Xukuumaa Turkiga ayaan wali ka hadlin muuqaalkan ay soo bandhigtay Kooxda Daacish, walina lama hubo jiritaanka labada nin ee Kooxda Daacish nolosha ku gubeen in ay ka tirsanaayeen ciidamada dowlada Turkiga.
Ciidamada Milatariga Turkiga ayaa gudaha u galay qeybo kamid ah dalka Siiriya, waxa ayna ciidamada dagaal adag kula jiraan dagaalyahanada Daacish ee ka dagaalamaya magaalooyin kuyaala meel u dhaw xadka Siiriya iyo Turkiga.