Daawo:– “Puntland Kama Dhici Karto Doorasho Xisbiyo Badan” Madaxweyne Ku Xigeenka Maamul Goboleedka Punland

0
16

Garoowe (Saxilnews) Madaxweyne K/xigeenka Puntland Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa sheegay inaaney suurtagal ahayn in guud ahaan degaamada Puntland ay ka dhacdo doorasho xisbiyo badan oo hal qof iyo Hal Cod sanadkan 2019ka

Mudane Cabdixakiin Xaaji Cumar (Camey)  oo waraysi siiyay Telefishanka Universal TV wuxuu xusay in hay’adihii dhaqaalaha ku bixin jiray doorashooyinka Soomaaliya ay Albaabada ka xirteen dowladda Puntland, dowladuna ayan haysan dhaqaale  ku filan oo ay ku qabato doorashadda

Camey isaga oo hadalkiisa sii-wata waxaa uu intaas ku daray Waxaa loo baahan yahay in dadka la tiriyo , in xuduudihii lakala asteeyo, sanadiiqdii meelkasta la geeyo, Haddii 99 meelood uu ka dhaco oo hal meel ka dhici waayo taasi doorasho guud oo dadkii oo dhan codeeyay ma noqonayso

Amniga laftigiisa suurtagal noo noqon mayso in doorashadu ay Degaanka Galgalo oo kale ka dhacdo, sababo badan oo isbiirsaday waxaan u arkaa inayan suurtagal ahayn doorasho 2019ka” ayuu yiri Eng Camey.

Gabagabadii, Dowladda Puntland ee uu hoggaamiyo Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xiligii ay ku guulaystay doorashadii 2014kii, waxay ballanqaadeen in dalka ka dhici doonto doorasho ku dhisan nidaamka axsaabta badan, lagana guuri doono nidaamka qabaa’ilka taasi oo sida madaxweyne k/xigeenku sheegay   uu muuqato rajo god gashay.

Halkan Ka Daawo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here