Borama (Saxilnews):- Musharaxa madaxweyne ee xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo maanta ka qeyb galaymunaasibad uu xisbigiisu ku soo dhaweynaayey kooxo dhalinyaro ah oo ku soo biiraayey xisbiga Kulmiye oo lagu qabtey magaalada Borama ayaa waxaa uu weerar dhinaca afka ah ku qaadey Musharax Cabdiraxmaan Ciro iyo Hogaamiye Xirsi
Sidoo kale Muj Muuse Biixi ayaa waxaa uu sheegay in xisbiga Kulmiye aanu aqbali doonin in mar danbe doorashadu dib uga dhacdo wakhtigii loo qoondeeyey
Muuse Biixi ayaa sidoo kale waxaa uu hogaamiyaha xisbiga Waddani uu ku tilmaamey in uu ahaa wasiirkii ugu awooda badnaa xukuumada Madxweyne Siilanyo intii aannu is casilin
Dhinca kale muj Muuse Biixi ayaa waxaa uu afkiisa ka qarisay in dhinaca warbaahinta xisbigiisa Kulmiye uu kaga awood batey xisbiga mucaaridka ah ee Waddani .
Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan
https://www.youtube.com/watch?v=SG3uE71D1MU