Daawo:-Muuse Biixi Oo Muujiyey Damac Uu Ka Qabo In Ay Mar Kale Midoobaan Somaliland Iyo Somaliya

0
25

Hargeysa(Saxilnews):- Murashaxa Madaxweynaha ahna guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaaka hadlay suurto-galnimada mar kale oo ay Somaliland dib u la midowdo dalka Somaliya, waxaana uu sheegay in doodaha hada taagan ee ay labada dhinac ba isku hayaan aanay ahayn kuwo diidan in la midoobo balse la isku afgaran la’ yahay oo keliya sida ay u midoobayaan Somaliland iyo Somaliya, waxaana uu carabka ku adkeeyey in haddii la doonayo midowga labaddaas dawladdood ay ka dawlad ahaan doonayaan in ay Somaliya iyo Somaliland ay u midoobaan iyada oo la raacayo axdi qarameedkii lagu kala xadeeyey wadamada Afrika.

 

Guddoomiyaha KULMIYE, ayaa hadalkan ka sheegay mar Xisbigaasi uu taageerayaal ku soo dhaweynaayey magaalada Boorama, waxaana uu carabka ku dhuftay in aanay ka dawlad ahaan iyo shacab ahaantoona aanay diidaneyn in mar kale la midoobo dalka Somaliya.

“Su’aasha ay warbaahintu igu soo celinaysaa waxa weeye haddii aad sidaas u mideynayso Somaliland maxaa qoladiina SNM ay u diidan tahay Xamar iyo Soomaali oodhan ileyn isku mid baynu nahay e’. taas na waxa aan doonayaa in aan jawaabteeda idinka siiyo oo waxa aan lee yahay hadaanu nahay reer Somaliland oodhan ma diidanin in caalamku midoobo oo dawladaha geeska Afrika oo dhammi ay midoobaan se waxa la isku hayaa waa sidee baynu u midownaa, markaa haddii berigii ay SNM timi haddii ay odhan lahayd yeynaan midoobin inaga oon xuquuq siman lahayn dee lama yeeleen, Sool na may yeesheen haddii aan la odhanin dhulkan xuquuq siman baynu wada lee nahay deedna inaga oo isku mid ah baynu wax wada dhisanaynaa.”.Ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi

Muuse Biixi Cabdi oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa faahfaahiyey waxyaabaha uu u cuskanaayo damaca uu qabo ee kaga jira in ay Somaliland mar kale la midowda dalka Somaliya, waxaana uu yidhi:”Xamar iyo nimanka haysta waxa aan lee yahay fariinta la isku haystaa waxa weeye, waxa ay Afrika oo dhammi ku dhisan tahay ee dawladaha 54ka ah ee Afrika ay ku dhisan yihiin xaquuqdooda iyo sharciyadda aduunyadu ku dhisan tahay ee dagaalkii labaad ee aduunka markii nabadda la dhisay ee lagu saxeexay jimciyadda quruumaha ka dhaxeysa ee la yidhi sidaas dagaalka aduunku ku dhammaaday aduunka xuduudahiisu ha ahaadeen, ayaa haddii aanu nahay Somaliland aanu ku doodeynaa oo ah inaga oo ah Somaliland Protectorate(Maxmiyaddii Somaliland) oo 26kii June 1960kii qaatay Madaxbanaanidooda oo qaran ah iyo idinka oo ah Italian Territory oo 1dii Julay 1960kii qaatay xoriyadda oo laba qaran ah oo siman oo is ictiraafsan ayeynu dee midoobi karnaa, ma galayno qalad labaad, ku noqon mayno qaladkii Lixdankii ee ahaa walaalo Soomaali baan jeclahay, aaminaadaas waanu ku qaldanay oo ma yeelayno, mid kale na ma aqbaleyno, gobal baad tihiin Soomaali weyn ah oo waa la idin ictiraafsan yahay ee kaalaya, taasna ma yeelayno.”

Guddoomiye Muuse Biixi, waxa uu ugu dambeyntii uu sheegay in ay raali ka yihiin in ay Soomaali u midowda sida ay isu dooneyso isla mar ahaantaana ay taas kala siman yihiin dawladaha Mareykanka iyo Yurub, waxaana uu meesha ka saaray in dagaalkii soo kala dhex maray labada dawladdood aanu ahayn mid caqabad ku noqon kara in ay mar kale midoobaan labadda dawladdood isaga oo taas tusaale ugu soo qaatay wadamada Yurub ee midoobay.

“Anagu qarankii Somaliland baanu nahay oo doonaya in ciddii Soomaali ah ee midoobeysaa ba in ay midowdo oo haddii geeska Afrika oo dhammi midoobayaan ka kow ah oo waanu ogal nahay in siddii Mareykanka oo kale ay Afrika na u midowdo oo Soomaali u midowdo, laakiin xuquuqdee?, waxa aanu markhaati u haysanaa Yurub, oo iyada oo dhowr iyo labbaatan dawladdood ah oo boqol boqol sanno is dishay oo kadeematay ayey waxa ay dan moodeen iyaga oo dawlado ah oo siman oo mid walba ka kale xuquuqdiisa oo siman looggu wada imanaayo, markaa waxa aanu diidan nahay waxa weeye gobal baad tihiin ee ku soo noqda Somaliya, ma ku soo noqoneyno ayaanu lee nahay, Somaliland baanu nahay, qaran baanu nahay, waanu isku tashanay ee walaaleyaal idinka oo Somaliya Teritory ah oo xeerkii Afrika ku dhismatay raacaya ayuun baanu idiin sheegaynaa in aanu idin la midoobi karno.”.Ayuu yidhi Muuse Biixi
Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

https://www.youtube.com/watch?v=PybIGFUa2c8

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here