Hargeysa (Saxilnews):- Muj Ooto Biixi Caalin ayaa waxaa uu eedeymo culus u soo jeediyey gudoomiyaha xisbigaKulmiye Muj Biixi oo isagu maalintii shalay ahaa xisbiga Waddani ku eedeyey in uu shirar qarsoodi ah la yeedhay masuulyiin ka tirsan dawlada Somaliya
Muj. Ooto waxaa uu sheegay in Muuse Biixi uu caado ka dhigtay mar kasta oo miidanka siyaasada wada yimadaan siyaaasiyiin ka soo jeeda beelaha garxaajis in somaliya soo qaado
Waxaa uu Ooto Biixi uu gudoomiyaha Kulmiye ku tilmaamay in aanu aheyn ninkii maanta ka hadli lahaa arimahaas
” Muuse Biixi marka ay reerkan Garxaajis la yidhaahdo midaanka siyaasada iskugu yimadaan waxay ka noqotey in uu koonfur soo hadal qaado mid hal heys ah oo kii hore ayeynu ogeyn oo aanay waxba ku gaadhin ” ayuu yidhi Muj Ooto Biixi
Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan
https://www.youtube.com/watch?v=cr0suI-kBM0