XUBNO MAAMULKA PUNTLAND USOO DIREY CARQALADEYNTA DIWAAN GALINTA KA SOCOTA GOBOLKA SOOL OO WALI KU SUGAN BUHOODLE IYO XUKUMADA SOMALILAND OO AFKA KA XIDHATEY.

0
18

 

Hargeysa(Saxilnews.com)-Maamulka Puntland oo mudooyinkii u danbeeyeyba gobolka buuhoodle iyo deegaano ka tirsan gobolka sool ka waday qorshe ay ku khal-khalinayaan diiwaangalinta codbixiyayaasha

Magaalada_Laascaanood_Gobolka_Sool

ee sida rasmiga ah uga bilaabmatay gobolka sool iyo gobolka buuhoodle ayaa waxay maamulkaasi deegaanka Buuhoodle usoo direen ciidamo tiro badan iyo afar masuul oo ka tirsan maamulkooda.

Waxaanay afartan masuul iyo ciidamadani ku dhex sugan yihiin magaalada buhoodle iyaga oo bulshada magaalada buuhoodle ee qaadanaya kaadhka codayntana ku qancinaya inaanay qaadan kaadhka isla markaana difaacaan magaaladooda dawlada somaliland ,sidoo kale masuuliyiintan ayaa waxa sida naloo sheegay ay kulamo la qaateen odayaal iyo waxgarad deegaanka dagan,waxaanay usoo bandhigeen qorshe ah inay bulshada ku qanciyaan inaanay qsaadan kaadhka codaynta ee diiwaangalinta codbixiyayaasha.

Sidoo kalena ciidamo ay soo dirtay maamulka Puntland ayaa iyaguna ku dhex sugan magaalada buuhoodle sida ay wararku nagu so gaadhayaana waxay ciidamadu ku hubaysan yihiin saanadoodii ciidan.

 

Waxaana masuuliyiintan ku dhex sugan magaalada buuhoodle ay magacyadoodu kala yidhiin sida ay Warbaahinta Ay u xaqiijiyeen dad ku sugan magaalada buuhoodle

 

  • Wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga maamulka Puntland Cabdicasiis Maxamed Aadan (Guul)
  • Wasiiru dawlaha qorshaynta maamulka Puntland Axmed Ibraahin Cawaale
  • Xildhibaan ka tirsan maamulkaas oo magaciisa naloogu soo gaabiyey Maxamed Sayid
  • Iyo taliyaha cidamada daraawiishta maamulka Puntland.

Xubnahan ka kooban afarta ayaa ay maamulka Puntland usoo direen sidii ay khal-khal u galin lahaayeen diiwaangalinta codbixiyayaasha ee ka bilaabmatay gobolka sool iyo deegaano ka tirsan degmada Buuhoodle.

 

Dhanka kale xukuumadda Somaliland ayaa iyadu ilaa hadda ka hadal xubnahan ka socda maamulka Puntland ee magaalada buuhoodle u jooga sidii ay u carqaladayn lahaayeen diiwaangalinta ka socota magaalada buuhoodle iyo deegaano ka tirsan gobolka sool.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here