DAAWO MUUQALKA”GUDIDA BAADHISTA XASUUQYADII LOO GAYSTAY SHACABKA SOMALILAND OO SOO BANDHIGAY XABAAL WADAREEDYO CUSUB,

0
22

Hargeysa(saxilnews.com)-Guddida heer qaran ee baadhista xasuuqaydii loo gaystay Somaliland, ayaa sheegay inay heleen kow iyo toban xabaal-wadareed oo cusub, kuwaas oo ay ku aasan yihiin dad si arxan daro ah loo laayay.

Gudoomiyaha Guddida heer qaran ee baadhista xasuuqyadii loo gaystay shacabka Somaliland Khadar Axmed Like, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kow iyo tobankan xabaal-wadareed ee cusub ay ku jireen dad si badheedh ah loo laayay degaanka mako dur-duro.

Masuuliyiinta gudidda baadhida xasuuqu waxay sheegeen in dadkaas la mariyay nidaamka diinta islaaamka dibna loo aasay, waxaanay intaas ku dareen in dadkaas la laayay dadlaas la laayay xiliyadii ay socdeen dagaalada 1981 illaa 1988-kii.

Ugu dambayn masuuliyiinta guddida baadhida xasuuqyadii loo gaystay shacabka Somaliland waxay sheegeen arrintaas ay iska kaashadeen gudidaas iyo wasaaradda cadaalada Somaliland, iyadoo ay baadhitaanka halkaas ka sii wadi doonaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here