Daawo:-Mushaharax Cabdiraxmaan Ciro Oo Eedihii Ugu Cuslaa U Jeediyey Idaacad Radio Hargeysa Iyo Waxa Uu Ku Sifeeyey

0
25

Hargeysa (Saxilnews):- Musharaxa madaxweyne ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan

Ciro ayaa waxaa uu eedihii ugu cuslaa u soo jeediyey idaacada Radio Hargeysa

Musharax Cabdiraxmaan Ciro oo ka hadlaayey munaasibad xisbigiisu ku soo dhaweynaayey garabka aqlabiyada xisbiga UCID ayaa waxaa uu musharaxu idacaada Radio Hargeysa ku sifeyeey idaacadii dalka Rwanda ee warkii laga sii daayey lagu xasuuqey dad badan

 

Sidoo kale Musharax Ciro waxaa uu sheegay in idaacada Radio Hargeysa laga sii daayo habeen iyo maalinba warar been iyo boro bogaando ah oo qaranka dhawaac u keeni kara

” Dalka Rwanda waxaa lagu xasuuqay dad gaadhaya 1 Million oo qof , waxaana sabab u ahaa Radio ku yaalay caasimada dalkaasi , Idacaada Radio Hargeysa waxaa ay la mid tahay Idacaadii Rwanda ee dadka xasuuqdey .

Idacaada Radio Hargeysa waxaa ka socda been iyo boro bogaando , telefiishankuna ma dhaamo ” ayuu yidhi Musharax Cabdiraxmaan Ciro

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here