Labada Madaxweyne ayaa salaan ka qaatay cutubto ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Kenya, waxaana loo garaacay astaanta Qaranka ee Calanka Jamhuuriyada Soomaaliya , sidoo kale waxaa hub iyo gantaalo loo riday soo dhaweyntiisa .
Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa kulan albaabada u xidhan yeeshay, waxaana ay ka wada hadlayaan xoojinta xidhiidhka labada dal, iskaashiga, amniga iyo la dagaalanka Al-Shabaab.
Labada Madaxweyne ayaa la filayaa inay kala saxiixdaan heshiisyo kala duwan, iyadoo si wada jir ah u qaban doona shir jaraa’id.
Madaxweyne Farmaajo ayaa booqasho 3 cisho uga bilaabatay dalka kenya, waxaana uu 25-ka bishan uu kaga qeyb galayaa shir madaxeedka Urur Goboleedka IGAD oo looga hadlayo arrimaha qaxootiga.
Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan
https://www.youtube.com/watch?v=8-ZBAv5Mryo