Daawo:-Madaxweynaha Shiinaha Oo Markii Koobaad Booqday Goob Aanu Hore U Tagin

0
15

Hong Kong (Saxilnews):- Madaxweynaha dalka Shiinaha Xi Jinping ayaa gaadhay Hong Kong

si uu uga qaybqaato 20 guuradii ka soo wareegtay markii Britain ay dhulkaas dib ugu wareejisay Shiinaha.

Image may contain: 2 people, people smiling, people standing

Booqashadiisan oo taariikhi ah ayaa ah midii koobaad ee madaxweyne Xi uu ku tago tan iyo markii uu xilka la wareegay sannadkii 2012kii, waxayse ku soo aadaysaa iyadii ay sare u sii kacayso xiisadda siyaasadeed.

Waxaa la qorsheeyay munaasabado rasmi ah, waxaana sidoo kale jira mudaaharaadyo ay soo abaabuleen dadka dimuqraadiyadda u ol’oleeya iyo dadka Beijing la haya.

 

Dad badan oo caan ah oo u dhaqdhaqaaqa xuquuqda ayaa la xidhay intii lagu guda jiray booqashada Xi.

Koox uu ka mid yahay Joshua Wong oo ah hogaamiyaha ardayda ayaa mudaaharaad ka dhigay taallo caan ah oo astaan u ah wareejinta Britain.

Xi oo ay weheliso xaaskiisa Peng Liyuan ayaa ka soo dagay garoonka ugu magaalada ee Chek Lap Kok, wuxuuna uu sii joogi doona saddex maalmood.

Markii uu soo dagay waxaa soo dhaweeyay kooxaha baambayda iyo carruur wadhfinaya calamo.

Khudbad kooban oo uu halkaas ka jeediyay ayuu ka yidhi Hong Kong “waligay qalbigayga ayay ku jirtay”.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here