Hargeysa (Saxilnews):- Gudoomiyaha gobalka Marodi-Jeex Cabdilaahi Gaanxuug Buraale ayaa waxaa uu warcusub ka soo saarey ganacsato dhawaan ay ciidamada boolisku xabsiga dhigeen kuwaas oo lagu eedeyey in ay dalka Keenen kabo ay xaga hoose kaga qoran yahiin magaca Eebe SWT
Gudoomiyaha ayaa sheegay in ganacsadahaas la sii daayey ka dib markii baadhis dheer lagu sameeyey isla markaana la ogaadey in isaga lafiisu aanu ogeyn in kabaha magaca eebe ku qoran yahay
Sidoo kale gudoomiyaha ayaa sheegay in Ganacsaduhu dhamaan kabihii uu ka masaxay magacii hoosta kaga qornaa ee EEBE SWT
Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan