Daawo:-” Faysal Iyo Muuse Biixi Loogama Fadhiyo In Ay U Hadlaan Sida Dadka Suuqa Fadhiya ..” Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa

0
26

Hargeysa (Saxilnews):- Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa waxaa uu mar kale si adag ugajawaabey eedeymo uga yimid xisbiyada Kulmiye Iyo UCID oo sheegayey in musharax Ciro magaalada Nairobi kula kulmey Raysal wasaaraha Somaliya .

Waxaa ay sheegen in wararkaasi ay yahiin qaar been abuur cad ah isla markaana labada xisbi ee Kulmiye Iyo UCID laga rabo in ay keenan cadeyn rasmi ah oo arintaasi ku cadeynayaan

Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland isla markaana ah afhayeenka xisbiga Waddani waxaa uu si adag u diray Faysal Cali Waraabe iyo Muuse Biixi waxaana uu ugu baaqay marka ay warbaahinta la hadlayaan in aanay u hadlin sida ay u hadlaan dadka maaqaxiyaha suuqa fadhiya .

Sidoo kale xildhibaan Buubaa waxaa uu sheegay In Musharax Cabdiraxmaan Ciro uu yahay gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland isla markaana aanay arimhaasi aanay aheyn qaar ka suurtooba , horena uga suuroobey .

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

https://www.youtube.com/watch?v=v3BoFjwedq0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here