Daawo:— Baarlamaanka Soomaaliya Oo Si weyn Uga Soo Hor Jeestay Hishiiska Saldhiga Berbera Iyo Ka Dekada

0
14

Muqdisho (Saxilnews) Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Golaha Baarlamaanka ee Soomaaliya ay u gudbiyeen xukuumadda iyo madaxweynaha Soomaaliya qoraal ay kaga dalbanayaan inay soo caddeeyaan mowqifka ay ka taagan yihiin heshiiska Berbera ee ay wada galeen Somaliland iyo Imaaraadka Carabta.

Arrintan ayaa dabasocotay ka dib mooshin ay xildhibaano ka tirsan baarlamaanku u gudbiyeen shirguddoonka oo ay kaga soo horjeedeen heshiiskaas.

Haddaba Xildhibaan Cabdullaahi Sh. Ismaaciil Cali oo horkacayey mooshinka ka dhanka loo gudbiyey shirguddoonka ayaa u waramay Ismaaciil Xuseen Farjar.

“Hishiiska milateriga ee lala galey Imaaratka ee saldhiga Berbera ku saabsan iyo dekada arrimaheeda aaad iyo aad ayaanu u kala saarnay, dekada arrinteedana waxaanu u aragnay arrin horumara, hase ahaate arrinta ku saabsan saldhiga milateriga waxaananu nidhi waxaa ay xad-gudub ku tahay arrimaha amaanka, waxay khatar ku tahay abniga Soomaaliyeed iyo waliba kan mandaqada”

 

Halkan Ka Daawo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here