DAAWO AXMED SALEEBAN DHUXUL OO KA HADLEY SHIRKII GOLAHA DHEXE EE XISBIGA WADDANI , ISBARBAR DHIGNA KU SAMEEYEY CABDIRAXMAN CIRO IYO MUUSE BIIXI 

0
19

 

Hargeysa (Saxilnews):- Afhayeenkii hore ee madaxtooyada Somaliland Axmed Saleeban    oo ku sugan dalka Faransiiska isla markaana ka mid ahaa siyaasiyiintii isbaheysiga ee ku biiray xisbiga Waddani ayaa waxaa uu ka hadley shirkii golaha dhexe ee Waddani .

Muddane Dhuxul oo khadka telefoonka ugu waramey shabakada Ilaysnews.com ayaa waxaa uu ugu horeyn u sheegay in shirkaasi u dhacay qaabkii ugu wacnaa isla markaana uu hanbalyeynaayo labada musharax ee shirkaasi Lagu soo doortey .

Sidoo kale  Axmed Saleeban Dhuxul waxaa uu hanbalayo u diray  hogaamiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xassan Iyo gudoomiyaha xisbigaasi Cabdiqaadir Jirde oo xubanaha golaha dhexe u ansixiyeen si ku meel gaadh ah.

Dhinca kale isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu afhayeenkii hore ee madaxtooyadu uu isbarbar dhig ku sameeyey Musharaxa madaxweyne ee Waddani Cabdiraxmaan Ciro iyo dhigiisa Muuse Biixi waxaana uu ku kala sifeeyey  Siyaasi u qalma in uu hogaamiye noqdo iyo mid aan u qalmin uu dalka hogaamiye ka noqdo

Gabo gabadii Muddane Dhuxul waxaa uu fariin u diray Axmed Muumin Seed  gudomiye ku xigeenkii xisbiga Waddani oo isagu ka cadhoodey shirkii golaha dhexe ee xisbigaasi waxaana uu ugu baaqey in uu xisbigiisa  uu tacabka badan galiyey  barbar taaganado waxii uu tabanaya wada hadal lagu dhameeyo

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

https://www.youtube.com/watch?v=iW4zkLrkGgQ

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here