Daawo:-Aamina Waris Oo Ciidan Iyo Xoog Ku Burburisay Maherado Gacansi Iyo Cisbitaalo Ku Yaala Hargeysa + Sababta

0
23

 

Hargeysa(Saxilnews)-Waxay ahayd saaka abbaaro 6-dii subaxnimo markii Maayarka caasimada Hargeysa oo wata ciidan tiro badan ay cagaf galiyeen guryo iyo goobo ganacsi oo ka ag dhaw hudheelka ay dhisanayso marwada madaxwaynaha Somaliland Marwo Aamina Waris,

kaas oo maayarku sheegay in la banaynayo wadada hor marta hudheelka marwada madaxwaynaha Marwo Aaamina Waris isla markaana la saarayo Laami iyo in loo helo goob ay baabuurtu istaagaan oo ay Parkin ka dhigtaan.Waxaana maayirku uu dumiyey gaydhadhka iyo xayndaabyada guryihii iyo goobihii Ganacsi ee ku dhegsanaa hudheelka marwada madaxwaynaha Somaliland isaga oo amray in dhulka lala simo isla markaana dadkii goobahaasi degenaa ay ku waabariisteen cagaf-cagafyo iyo ciidan Tiro badan oo dul tuban.

Geesta kale goobahan ganacsi saaka la galiyey cagaf-cagafta ayaa laga reebay gaydhka Hudheelka marwada madaxwaynaha oo isaga laftiisu wadada in kaga jira,waxaana xusid mudan in hudheelka Marwadu uu lasinnaa guryaha la dun-dumiyo qaarkood oo uu wadada qayb kula jiro,waxaana taasi abuurtay in dadkii goobahaasi joogey ay is weydiiyaan sababta uu u dumin waayey gaydhka hudheelka marwada oo ay sheegeen in uu wadada ku jiro.

Geesta kale Ciidamada Booliska Somaliland, ayaa xabsiga dhaxe ee magaalada Hargeysa u taxaabay mas’uuliyiin ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI,kuwaasi oo kala ahaa Guddoomayaha garabka dhallinyarada heer qaran ee Xisbigaasi Mr.Dhamme iyo Xoghayaha Ciyaaraha Yoonis Axmed Yoonis  oo ku sugnaa xarunta gobalka ee xisbiga WADDANI uu ku leeyahay magaalada Hargeysa.

Xadhiga labadan sarkaal ayaa ka dambeeyey ka dib markii ay ka hadleen isla mar ahaantaana ay si adag u cambaareeyeen dhismeyaal ka soo horjeeday guri ay dhisatay Marwada Madaxweynaha Somaliland oo ay u adeegsatay cagafyo isla mar ahaantaana iyada oo adeegsanaysa awood dawladdeed ay burburisay deyrarkii guryahaasi si ay hoteelkaas ugu hesho Baarkin.

 

Waxaana labadan mas’uul loo taxaabey xabsiga magaalada Hargeysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here