Daawo:-” Aad Baan U Dhaliilayaa Qaabka Ay Xukuumadu U Bilowdey Wada Hadalka Khaatumo Sababta Oo Ah ..” Siyaasi Cabdirisaaq Khaliif

0
22

Hargeysa (Saxilnews):- Xoghayaha maaliyada ee xisbiga Waddani Siyaasi Cabdirisaaq Khaliif ayaa waxaauu sheegay in uu si aad ah u dhaliilaayo qaabka ay xukuumada Somaliland u bilowdey wada hadalka ay ku jirto maamulka Khaatumo .

 

Siyaasigan oo wareysi dheer siiyey telefishanka Kalsan Tv waxaa uu sheegay in wada hadalkaasi khaatumo lagula jiro ay Somaliland u matalayaan dad aan ka midho dhalin karin hawshaas isla markaana aan aheyn dadkii ay wax ka go,aayeen

” Runtii qaabka ay xukuumadu u bilowdey wada hadalka Khaatumo aad baan dhaliilayaa waxaana aan aaminsanhay in dad anan is laheyn waa lagu haleyn karaa oo hawshaas waa ay ka midho dhalin karaan midna aanay aheyn isla markaana awoodeedii iy aqoonteedi laheyn .

Marka labadaan dadkaas wada hadalka kula jira maamulka Khaatumo ma aha dad wax fulin kara oo ah dadkii ay iyaga wax ka go,aayeen ma aha , balse aad baan u soo dhaweynayaa in ay bilaabeen laftigeeda ” ayuu yidhi Cabdirisaaq Khaliif

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here