Daalibaan yey ahayd?…. Q 1aad Waxa Qoray Khadar Cabdi Cabdilaahi

0
16

Qoomiyadda Bashtuugu (Pashtun) qarnigii la soo dhaafay cadadkooda waxa lagu sheegay 36 milyan. 25 milyan oo ka mid ahi waxa ay degaan dalka Baakistaan, 11 milyanna Afgaanistaan. Boqortooyooyinkii iyo boqorradii ka soo talin jiray dalka Afgaanistaan badankoodu ama dhammaantood waxa ay ka soo jeedaan qoomiyaddan, waxa ayna kala ahaayeen; Lodi, Suri, Hotaki, Durrani, Barakazai, Karrani iyo Asad Khan Afghan (magacyadu waa af Ingirisii, si ruuxii doonayaa u soo baadhi karo).

Barakasaay iyo Durraani ayaa ugu magac dheeraa boqortooyooyinka soo maray Afgaanistaan. Waxa jira qabiil aad u ballaadhan oo la yidhaahdo Ziraki Khan. Wuxuu dhalay saddex wiil oo la kala odhan jiray Barakasaay, Bobalsaay iyo Alokasaay (Barakzai, Popalzai iyo Alakozai.). Ereyga “Zai” ee u wada dambeeyaa wuxuu af Soomaali ahaan u dhigmaa “reer” ama “beel”. Sidaa darteed, waxa ay noqonayaan Reer Barak, Reer Bobal iyo Reer Aloka. Saddexdaa reer waa kuwa u aabbaha ah waxa soo socda ee aynnu ka sheekeyn doonno oo dhan. Waxa qaylo siyaasadeed iyo mid diimeed ka taagan dalka Afgaanistaan saddexaa jufo ee isku beesha ah ayey dhex marayaan oo marna iyagu is eryanaya kolna cid kale wada eryanaya.

Arrimaha maanta ka socda dalka Afgaanistaan waxa ay soo bilaabmeen qarnigii hore. Dagaalkii Midawga Soofiyeeti –oo socday intii u dhaxaysay 1979 – 1989– arrimo qaldamay ayaa qulqulkoodii taagan yahay sannadka 2021. Haddii ay kugu soo dhacday wayddiinta ah; maxaa marka horeba meesha keenay Ruushka ama Midawgii Soofiyeeti iyo reer Galbeedkii kale, jawaabtu waa tan: Dagaalkii Qaboobaa! Waagaa, meesha Maraykan iyo Ruus midkood galo, kan kalena gurada ayuu ugu jiraa. Aan saafo hadalka ee soo fuul gaadhiga.

Waxa jira silsilad dheer oo isku xidhiidhsan oo Reer Gableedku u la baxeen Xasaradda Afgaanistaan (Afghanistan Conflict) oo bilaabantay sannadkii 1978. Qabiillada aynnu kor ku soo sheegnay mid ka mid ah baa ugu sii rabashad iyo qalalaase badan. Waa reer Barakasaay. Daalibaan, Alqaaciida iyo Reer Galbeedku waa shalay.
Cadadka Zirak Khan waa afar milyan iyo wax la jira, waxayna u dhigmaan qabiilka Bugaandha la yidhaahdo ee dalka Ugaandha u badan tiro ahaan. Ugu horrayn, dalka iyo dadka reer Afgaanistaan 1747 in ay si buuxda madaxbannaani u heleen bay taariikhdu soo warisaa. Laba boqortooyo oo Beersiya (meesha maanta loo yaqaan Iiraan) iyo koonfurta qaaradda Aasiya ka kala jiray ayaa isku dul haystay oo dhulka Afgaanistaan oo midiba qayb haysatay – Afsharids Empire iyo Mughal Empire.

Isla sannadkaa, si ay dadkii xorriyadda helay maamul u samaystaan, waxa la sameeyey wax afka Bashtuuga lagu yidhaaahdo Loya Jirga, oo u wada dhiganta guddi doorasho iyo gole guurti. Laba nin baa isa soo sharraxay. Waxa ay kala ahaayeen Xaaji Kamaal Khaan iyo beesha Barakasaay ah iyo Axmed Khan oo Reer Bobalsaay ah. Nin ka mid ah guddidan doorashada loo saaray oo Maxamed Saabir Khaan la odhan jiray, laguna naanaysi jiray Dawiish, ayaa arrintii soo afjaray kaddib markii uu sheegay haddii ninka Reer Boblasaay ee Axmed Khaan la dooran waayo Ilaahay reer Afgaanistaan qiyaamaha wayddiin doono. Halkan waxa ka muuqata in ereyga Darwiish asalkiisu yahay af Bashtuu, lana macno yahay “ninkii barakaysnaa –the holly man”. Afka Turkiga iyo kan Beershiyaanka oo “Dervis” ugu dhawaaqa kolka la joogo, waxa ay ku macnaynaya ereyga “faqiir” ama qof aan adduunyo lahayn oo Ilaahay uun caabuda. Si kastaba ha ahaatee, xilligii Sayid Maxamed Cabdille Xasan ee ereygu Soomaalida ku dhex faafay, macnayaashaa mid aad uga fog oo geesi, mujaahid ama halgamaa ah buu yeeshay ama loo sameeyey.

Dadkan Bashtuuga oo aqoon yari iyo diin jacayl isugu darsamay awgeed, guddidii doorashadu bishii Julaay ee 1747 ayey sidaa Axmed Khaan kalsoonidii ku siiyeen, si aan qiyaamaha loo cadaabin. Meesha doorashadu ka dhacaysaa waa isla gobolkan Qandahaar degaan ka mid ah. Xaaji Kamaal Khaan, reer Barakasaay wuxuu ka sii ahaa reer Maxamedsaay. Boqorka cusub ee la doortayna, reer Bobalsaay wuxuu ka sii ahaa reer Sodasaay. Tallaabadii koowaad ee boqorku qaaday waxay noqotay in uu jufadiisa hoose Sodasaay ka beddelo magaca una bixiyo Duraani. Halkaa kuma joogsane, nidaamka iyo boqortooyadii beeluhu wada lahaayeen wuxuu ugu magacdaray jufadiisa hoose ee uu magaca u cusub u bixiyey; Durrani Empire. Isaga qudhiisu magacisiisii dibuhabayn buu ku sameeyey oo wuxuu la baxay Boqor Axmed Shaah Duraani. Sidaasb buu Axmed Shaah boqortooyadii caanka ahayd ee Duraani ugu noqday hoggaamiye qabyaali ah oo tolkiina ku garab taagan yahay.

Boqortooyadii Duraani waxa ay noqotay mid aad u fidda oo dhan walba isu kala bixisa. Baaxaddeeda maamul waxa uu ku fiday dhulka maanta loo yaqaan Afgaanistaan iyo Baakistaan oo dhan, waqooyiga iyo koonfurta Iiraan, meesha loo yaqaan Turkumistaan iyo qaybo ka mid ah waqooyiga Hindiya oo ay dhammaanood ka talin jirtay. Waa intii aan gumaysiga Reer Yurub dunida hiilfaha u laabin ee boqortooyadii Cismaaniyiintu wali jirtay. Cismaaniyiinta dabadeed, Duraani waxa ay ahayd boqortooyadii labaad ee ugu weynayd imbiraadooriyadihii Muslimiinta ee qarnigii siddeed iyo tobnaad.

Arrimaha dumiyey waxa ka mid ahaa in ay qaybo ka mid ah dadkii ay xukumaysay caqiiadoodii farogalisay. Dadka Sikh ama Singaha loo yaqaan ayey lix jeer ku duushay oo ay kumanaan qof ka xasuuqday. Waxa kale oo ay ka burburisay goobahoodii cibaadada. Waxa isna sidii u xanaaqsanaa ninkii doorashada lagaga guulaystay qabiilkiisii, ee magacii boqortooyadana aan waxba laga siin oo mucaarid hubaysan samaystay aakhirkii. Mar saddexaadka, boqorradii ka dambeeyey Axmed Shaah oo ahaa innamadii uu dhalay iyo kuwii uu awoowga u ahaa oo awooddii si foolxun ugu tagrifalay. Kii u dambeeyey oo Ayuub Shaah la odhan jiray waxa la dilay 1823, boqortooyadiina sidaas bay ku burburtay.

Duraani markii ay kala haadday ayey qoladii Barakasaay oo sidii u ciillanayd, jabhaddoodiina sii xoogaysatay, markoodii aasaasteen nidaam cusub. Musaahaban oo ah raas ka tirsan beelweynta Barakasaay, oo u doobyaya sida Garxajiska Hargaysa ama Hawiyaha Muqdisho, ayaa samaysay boqortooyo ay markooda ku ciilbaxaan. Qabiilkooda sare –Barakasaay– ayey iyaguna ugu magac dareen, dabadeed Barakzai dynasty ayaa halkaa ka curatay. Maxamed Khaan nin la odhan jiray baa 1837 aasaasay. Boqorkii kaa dambeeyey ee dhaxlay waxaa la odhan jiray Amaanullaah Khaan. Boqor Amaanullaah 1929 ayaa tolkii qawaday sida uu wax u maamulayey, kaddib xilkii bay ka xayuubiyeen.

Waxa ay caleemosaareen Maxamed Naadir Shaah. Labaatan boqor baa sannadkaa la unkay boqortooyadii Barakasaay illaa 1973 kolkii ay iyaduna dumaysay isaga dambeeyey. Boqortooyada sidaa u faca weyn lihi in ay hal mar kadab go’do hinaase ku dhacay boqorkii u dambeeyey laftiisa ayaa sabab u ahaa oo ay eedday –Boqor Maxamed Zahir Shaah. Waa korkaxaadis taariikhdan aynnu soo jafjaynaa ee halkan macluumaad dheeraad ah baa ku jira ciddii baadhis uga baahan.

Boqor Maxamed Zahir Shaah oo dalka dibaddiisa xaalad caafimaad ugu maqan waxa u sii tashaday saddex nin oo midkood boqorka qaraabadiisa dhaw yahay. Waa Maxamed Daa’uud Khaan. Maxamed Daa’uud oo sidoo kalena ahaa jeneraalka ciidanka boqortooyada u sarreeya, wuxuu karhay Boqor Zahir Shah oo dhiman waayeyba, waayo way isla dhib muteen labadoodu. Oo Ma wax aan la dhibsan baa noloshiisa maaddaama uu Zahir Shah talada boqornimo qabtay 1933 walina soo yuururo? Boqortooyadan Barakasaay waxa ay si walba ugu haykal iyo qaab eekeyd boqortooyooyinka Yurub, gaar ahaan tan Ingiriiska.

Dalka marka uu Zahir Shah boqor ka yahay, ayuu ninkan Maxamed Daa’uud Khaan ka dhigtay raysalwasaare kolkii taariikhdu ahayd 1953. Labadoodu waa ilma adeer magta iyo qaadhaanka wada bixiya. Ninkan boqorku caashaqay –oo marna seeddigii ah maaddaama uu boqorka walaashii Samiina qabay– aabbihii Daa’uud Khan baa talin jiray oo siyaasadda muddo dheer ku soo jiray, illaa lagu dhex toogtay badhtamaha magaalada Baarliin 1933, isaga oo ahaa danjiraha boqortooyada u fadhiya Jarmalka. Danjirahaa la khaarajiyey wiilkiisii oo siyaasadda iyo ciidanka ku soo dhex barbaaray, dhawr gobolna badhasaab ka soo noqday, waa kan maanta raysalwasaare noqday. Toban sano oo uu xilkaa hayey wuxuu aad u dhisay xidhiidhka dibadda, gaar ahaan kan boqortooyadu la yeelatay dal weynaha Ruushka oo uu gadaal uga aayi doono.

Toban sano kaddib, Boqor Zahir Shaah wax baa isu sawiray. Wuxuu arkay ninkii Maxamed Daa’uud Khaan oo taageeradiisu sii badanayso, gaar ahaan deegaannada Bashtuugu dego iyo gudaha dalka Baakistaan oo aad looga jecelaaday. Wedkaagii baad raysalwasaare ka dhigatay buu is yidhi. Intaa dabadeed dastuur buu dalka u sameeyey 1964. Dastuurkii kaa ka horreeyey ee Afgaanistaan lagu maamulo waxa la sameeyey 1890 (wakhtii Boqor Abduraxmaan Khaan), iyada oo 1923 dib loo cusboonaysiiyey.
Waxa la sheegaa dastuurka dhanba in Boqor Zahir Shah u sameeyey hal qodob oo dhigaya, in qof qoyska boqortooyada ka tirsani aanu qaban karin mansab siyaasadeed oo aan ka ahayn kursiga boqorka ee uu isagu ku fadhiyo. Qodobkaasi wuxuu daaqadda ka saarayey hankii iyo raganimadii raysalwasaaraha ay marna xididka yihiin mar kalena ilma adeerka yihiin. Rag ciil cadaaba ka dooray waa tii Soomaalidu tidhiye, Maxamed Daa’uud maalintaas buu isna bilaabay sidii uu u aarsan lahaa.

Isaga oo godobtaa galay Zahir Shah, waa kan 1973 iska xanuunsaday. Markaas buu axmaqnimadiisa, 25 Juun ee isla sannadkaa, magaalada Landhan caafimaad u tagay –labada indhood midkood ayuu nabar ka soo gaadhay. Markii uu soo caafimaadayna, jasiiradda Iskiya (Ischia) ee dalka Talyaaniga, oo soddon kiiloomitir dhanka waqooyi ka xigta magaalada Naabulis buu nasasho u tagay. Markaas buu Maxamed Daa’uud fursadda baas ama dahabiga ah helay. Sidee buu ku helay?

Dastuurkii Boqor Zahir samaystay waxa ku jiray shan arrimood oo saddex ka mid ah boqorka iyo maamulkiisu si xun ugu fashilmeen. Waa Xeerka Axsaabta Siyaasadda, Xeerka Golayaasha Gobollada iyo Xeerka Golayaasha Dawladaha Hoose oo aan midkoodna la dhaqangalin. Maxamed Daa’uud Khan saddexdaa arrimood waxa ay siiyeen fursad uu ku kasban karo quluubta dad badan oo sidiisa marooradillaacsan. Meesha labaad ee uu taageerada laxaadka leh ka haystay waxa ay ahayd ciidamada qalabka sida oo uu ahaa masuulkoodii ugu sarreeyey. Sidaa darteed, sannadkaa odaygu xanuunsan doono kii ka horreeyey (1972) ayuu Maxamed Daa’uud sameeyey qorshe dhammaystiran oo taariikhda dalka si caqliga ka baxsan wax weyn uga beddeli doona.

Bishii xigtay ee Julaay toddoba iyo tobankeedii, Maxamed Daa’uud oo watay boqollaal taageerayaashiisa militariga ah, ayaa saacado kooban gudahood kula wareegay qasrigii boqortooyada iyo dalkiiba. Maalintaas, toddobadii subaxnimo, ayuu ku dhawaaqay magaca aynnu illaa maanta u naqaan dalkaas ee Jamhuuriyadda Afgaanistaan. Wax khasaare ah waxa ay taariikhyahannadu soo gudbiyaan toddoba askar boolis ah oo dad cadhaysani xarun boolis ku dileen iyo sarkaal ku dhacay webiga magaalada Kaabul. Taangi uu watay sarkaalku iyo bas ayaa iskaga hor yimi buunddo yar oo cidhiidhi ah korkeeda, dabadeed sarkaalka ayaa taangiga dhinac u dhuftay illaa uu webiga dalaq yidhi.

Maraykanku wuxuu ku sheegay in uu ahaa afgembi si wacan loo soo agaasimay iyo qorshe ashaqaraar ah. Maxamed Daa’uud Khan wuxuu ku dhawaaqay in waxa uu sameeyey ama wadaa yihiin kacdoon waddaniyadeed oo badhaadhe wata. Waxa amakaag ahayd in uu yidhi waxa aan isku qaadanayaa hoggaamiyaha qaranka, madaxweynaha dalka, wasiirka arrimaha dibadda iyo taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida. Siyaasadda caalamka in uu dhexdhexaad ka wada noqon doono ayuu raaciyey, sida dalkan Ustari oo kale. Hindiya oo Baakistaan ku xumaynaysa iyo Ruushka ayaa laba cisho kaddib (19 Julaay) aqoonsaday Jamhuuriyadda Afgaanistaan iyo dawladdeeda cusub.

Zahir Shah wuxuu ahaa boqorkii ugu dambeeyey ee nidaamkii boqortooyada ee dalka Afganistaan lahaa muddo 225 sannadood ah ee marba magaca loo soo bixin jiray. 225 sano nidaam boqortooyo oo dalka ka jiray ayuu halkaa ku soo afjaray Maxamed Daa’uud oo uu ku beddelay dawlad dastuuri ah iyo xukuumad doorasho ku timaadda. Beelahan aynnu ka sheekeynaynaa, iyo jufooyin badan oo ay isku Bashtuu yihiin, xaruntooda u weyni waa gobolka buuraleyda ah ee Qandahaar. Waxa kale oo ay degaan caasimadda Kaabuul, gobolka Qasni iyo illaa dhul weyn oo ka mid ah dalka Baakistaan. Haddii aad Afgaanistaan maqasho, dabcan Baakistaana way kula joogtaa meel kasta. Intii u dhaxaysay 1823 illaa 1973 waxa isa soo beddelay 19 boqor oo reerkan halaagga ah –Zirak Khan– ka soo wada jeeda. Hadda se beeshii Barakasaay xooggoodu wuxuu isugu soo ururay gobolka Qandahaar, wixii Maraykanku berigii diyaaradaha ku garaacayeyna iyaga iyo reero la dega ayey ahaayeen. Intaa kaddib maxaa dhacay?

Markiiba waxa bilaabmay shaki ah in Daa’uud aragtida shuuciyadda hoosta ku wata oo dalka ku dhiqi doono. Si uu tuhunkaa meesha uga saaro wuxuu ku dhawaaqay in uu xoojin doono dhaqanka soo jireenka ahaa ee bulshada iyo diinta Islaamka. Waxa ay se belo dhacday kolkii uu kala diray baarlamaankii iyo waaxdii garsoorka. Arrimaha dhaqaalaha sidooda ayuu u daayey, wuxuu se xidhiidh qarsoodi ah la yeeshay quwadihii Reer Galbeedka oo uu markaa ka dhexeeyey wixii loo yaqaanay Dagaalkii Qaboobaa.

Maxamed Daa’uud Khaan markii uu talada yimiba wuxuu noqday axmaq diktaatoor ah oo talada oo dhan kaligii isku koobay. Wuxuu se aad uga shaqeeyey waxbarashada, horumarka iyo dibuhabaynta bulshada. Waxa isna cirkaa isku shareeray jacaylkii uu u qabay Midawga Soofiyeeti. Waxa kale oo uu aad uga shaqeeyey xuquuqda dumarka iyo in ay waxbarashada qayb ku yeeshaan iyo waxoogaa xorriyad ah oo markii hore aanay haysan. Bishii Jeeniweri 1978 ayuu hirgaliyey dastuur aan waxba dhaamin kii Boqor Zahir Shah ee xaaraanta ahaa. Dastuurkaa cusub nuxurkiisu wuxuu ku soo ururayey in dalku yeesho waxa afka qalaad lagu yidhaahdo “One Party State”, oo madaxtooyadana siinaya awoodo badan oo dheeraad ah. Nidaamkan kolka la soo koobayo, waa in dalku hal xisbi siyaasadeed yeeshaa, ama, dhawr xisbi oo aan wax awood ah lahayn lagu yara qurxiyaa.

Khaladkii noloshiisa iyo maamulkiisaba soo afjari lahaa wuxuu galay markii uu qarsan kari waayey jacaylkii uu u qaaday Ruushka iyo nidaamkii Hantiwadaagga, kaas oo dhaqanyaqaanka iyo culimada reer Afgaanistaan gaalnimo u arkayeen. In yar kaddib inta uu ka istaaqfurulaystay ayuu isku dayey in uu dib u la saaxiibo Maraykan iyo Baakistaan oo markii hore kaga cadhooday sheeko Ruuskha uu la yimi. Taasi waxa ay keentay in Ruushkiina cadhoodo markiisa oo ay kala durkaan. Waxa sii waalay xaajada, Xisbiga Dimuquraaddiga Dadka Afgaanistaan (People’s Democratic Party of Afghanistan) oo dhanka Hantiwadaagga aad ugu janjeedhay oo isna dagaal siyaasadeed ku soo qaaday ninkan hadba mabda’ isku raraya. Halkaa waxa ka bilaambay kacaankii ku caanbaxay Kacaankii Sawr (Saur Revolution). Muxuu ahaa kacaankani?

Kacdoonkani saddex magac oo kaa hore ku jiro ayey taariikhyahannadu u yaqaanaan. Labada kale waa Kacdoonkii Abriil iyo Afgembigii Abriil. Wuxuu ahaa afgembi ay Xisbiga Dimuquraaddiga Dadka Afgaanistaan talada kaga la wareegeen madaxweynahaa fudaydka iyo talaxumado qaadday ee Maxamed Daa’uud Khaan. Wuxuu qaatay laba cisho oo qudha –27-28 Abriil 1978. Nuur Maxamed Taraki oo ahaa saxafi iyo qoraa dhiirran, kacdoonkana looga dhigay xoghaya guud, ayaa markiiba madaxweyne laga dhigay. Amarka kacdoonka se waxa lahaa Hafizullaah Amiin oo ahaa macallin iskuul. Innaga macallinkeennu saamayn uu yeesho iyo wax dawladdaha Soomaalidu iska tiriyaan daaye, halka uu bulshada nolol ahaan kaga jiro waynu ka dheregsanahay.

Sida uu mar dambe sheegay macallinku, ujeedkoodu ma ahayn afgembi ee wuxuu ahaa kacdoon dadweyne in la abaabulo si dawladda iyo Maxamed Daa’uud culays adag loo saaro oo ay wax ka beddelaan waallida ay dalka ku hoggaaminayaan iyo curyaaminta xisbiyada siyaasadda. Labada ninba waxa ay ahaayeen shucuuyiin la dhacsan aragtida Hantigwadaagga xisbiganna ka mid ahaa asaasayaashiisii koowaad. Horta halkaas ayey ka bilaabmeen waxa loo yaqaan Xasaradaha Afgaanistaan oo illaa maanta socda, mushkiladduna way ka durugsan tahay Daalibaan oo qudha iyo waxa hadda ka socda Afgaanistaan. Laakiin aan in yar hoose ugu dhaadhaco si kooban.

Dhibaatooyinku waxa ay salka ku hayaan damacii Maxamed Daa’uud Khaan galay ee ahaa in uu qabsado gobolka ay ku badan yihiin dadka Bashtuuga ee dega dalka Baakistaan. Damacan oo markii dambe ku dambeeyey hunguri-gaagax aan la calfan waxa bilaabay dalka Baakistaan. Baakistaan waxa ay ka fikirtay nidaamka fedderaalka waxa yar kaga duwan oo loo yaqaan Co-federation. Nidaamkan oo qolyo Maraykanka iyo Ingiriisku ka mid yihiin iminka la doonayaa in ay Soomaaliya iyo Soomaalilaan ku qanciyaan wuxuu yahay, in laba gobol ama waddan oo aan isku kalsoonayn ay wadaagaan calanka, lacagta iyo ciidanka oo qudha, wixii kale ee dawladnimo ah oo dhanna midiba gaarkeeda u maamulato oo aan la isku soo farogalin.

Baakistaan waxa ay doonaysay in ay Afgaanistaan iyo Bandhaaladheesh arrintaa ka iibiso, si cududdoodu mid u noqoto oo ay dalweynaha Hindiya isaga celiyaan. Baakistaan waxa kale oo ay doonaysay, in gobollada Muslimku ku badan yihiin ee Hindiya oo dhan ay dal gaar ah u samayso, Hindiya inteeda kalena ka jirto. Tani waa mid ka mid ah sababaha aanay waligood u dhammaan ficiltanka Hindiya iyo Baakistaan.

Xaggee bay inkaartu Baaskistaan iyo Afgaanistaan kaga dhacday haddaba? Waxa ay kaga dhacday, qoomiyaddan Bastuuga ee Maxamed Daa’uud ka soo jeedaa iyo kala wax ku dhaw qabiilkiisa Barakasaay in ay xuduudka labada dhanba ka degaan, sida qabiillo badan oo Soomaaliyeed gudaha Itoobiya ugu jiraan. Maxamed Daa’uud damaacinimadiisa, waxa uu Baakistaan oo iyaduba dad urursi ku jirta kula gorgortamay in xuduuddii labada dal u dhaxaysay dib loogu noqday, si qabiilkiisu dhan isugu wada raaco oo ay isaga u wada hoos yimaaddaan. Baakistaan hush bay ku tidhi, dabadeed qorshihii wax la isugu darsan lahaaba iyo wixiiba way isla burbureen. Baakistaan maalintaas bay si buuxda u go’aansatay in aanay hal habeen faraha kala bixin amuuraha Afgaanistaan.
Maxamed Daa’uud wuxuu aaminay in Ruushku sabab la’aan damaciisaa ku taageeri doono, laakiin Ruushkuna taa beddelkeeda wuxuu doonay in uu siyaasadda arrimaha dibadda ee Afgaanistaan isagu sida uu doono ka yeelo, waana la isku fahmi waayey –sida ku qoran buugga Rooxaantii Afgaanistaan (Ghosts of Afghanistan: The Haunted Battleground) ee ay wada qoreen Steele iyo Jonathan.

Si yar oo kooban, Xisbiga Dimuquraaddiga Dadka Afgaanistaan waxa wada samaystay laba kooxood oo afka Beerishiyaanka lagu odhan jiray Parcham iyo Khalq. Masuul sare oo ka tirsanaan kooxda Parcham oo la odhan jiray Mir Akbar Khayber ayaa dil qorshaysan lagu lagu khaarajiyey. Ninkan madaxweynaha sida fudud u noqon doona, Nuur Maxamed, oo kooxda kale ee Khalq ka tirsanaa, ayaa iyada oo aaskii marxuumka la joogo ku eedeeyey in dilkan xukuumaddu ka dambaysay. Halkaas baa laga raacay madaxweynihii, qoyskiisii iyo xukunkiisiiba oo soo gebagebaysay. Wax badan baa se nimanka u sii diyaarsanaa ee aan in yar dul istaago.

In kacdoon dadweyne dhici doono bisha Abriil madaxweynaha waa loo sii sheegay. In mucaaridku wadaan iyo ragga maskaxda keenay oo dhan sirdoonka ayaa u sii sheegay. Dabadeed wuxuu sameeyey Maxamed Daa’uud, ciidamadii militariga, gaar ahaan kuwii taangiyada, ayuu qasrigii madaxtoodayada ku wareejiyey oo si wacan buu uga sii gaashaantay, laakiin waa laga caqli badiyey militari iyo sirdoon toona gacanta ugu ma jirin marka warkan loo sheegayo. Xabaashii iyo hadalkii Maxamed Nuur ku soo noqo haddaba si aynaan u kala hadhin.

Hadalkaa markii ninkaasi xabaasha ka dul yidhi, daqiiqado dabadood waxa bilaabmay muddahaarad xukuumadda ka dhan ah. Sidii uu uga jawaabay madaxweyne Maxamed Daa’uud, oo ahayd in uu dhammaan saraakiishii Xisbiga Dimuquraaddiga Dadka Afgaanistaan soo wada xidho, ayaa arrintiiba baasiin ku sii shubtay. Khaladka laakiin uu galay ee uu eeday wuxuu ahaa, ninkii Hafizullaah Amiin oo qamaamuurtii xisbiga ah ayuu u yara naxariistay oo uu xabsi-guri ku xidhay halkii uu ragga jeelka wada gayn lahaa. Hafizullaah, isaga oo aan haysan awooddii sharci oo dhammaystiran, xaaladda la galay darteed ayuu u amray kacdoonkaa cid walba galaafan doona. Sidaas baa kacdoonka oo laba sano laga soo shaqaynayey isugu beddelay afgembi markii dambe.

Ciidamadii uu Maxamed Daa’uud isku wareejiyey ee qasriga ku ilaalinayey, dhammaantooda waxa ay la shaqaynayeen qoladan kacdoonka ama afgembiga wadda –in sirta loo sii sheego, si aanu Maxamed Daa’uud ciidan kale oo isaga u daacad ah u diyaarsan, ayaa qorshaha xataa ka mid ahayd. Taangiyadii gaadhka ka hayey uun baa mar qudha xagga madaxtooyada u soo jeestay.

Madaxamed Daa’uud waxa laga codsaday in uu is dhiibo, laakiin waa ruux heddu ka dhammaatay oo aakhiro u sii socda e’, isaga iyo walaalkii Naciim Daa’uud oo bistoolada xunxun sita ayaa kadinka madaxtooyada si axmaqnimo ah isu soo istaagay oo madax-adaygay. Sidaas bay labadoodii iyo qoyskoodii oo dhanba lagu gumaaday. Waxa iyagana qoorta laga guray wasiirkiisii difaaca, Gulaam Haydar Rasuuli, wasiirkii arrimaha gudaha, Abdulqaaddir Nuristaani iyo madaxweynekuxigeenkiisii, Sayid Cabdullah. Dunida kale oo Maraykan u horreeyo kolkan bay si wacan ugu caddaatay saamaynta Midawga Soofiyeeti ku leeyahay Afgaanistaan.

La soco habeen dambe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here