Seynisyahannada caalamka ayaa ka digay in dadka ay sameysteen sabab ay cudurrada xayawaannada ku dhaca ugu soo gudbaan bani’aadanka, kuwaasoo marka ay dillaacaan durba ku faafa dunida oo dhan.
Arrintan waxaa dardar galinaya bani’aadanka oo kasii tallaabaya xadkii loogu talagalay ee isticmaalka kheyraadka dabiiciga ah.
Dhaqdhaqaaqa dadka oo adeegsanaya gaadiid casri ah ayaa si dhakhso ah meelo badan ku gaarsiinaya cudurrada halista ah.
Farriintan digniinta ah waxay ka timid khubarada caalamiga ah oo baaritaan ku wada meelaha ay cudrrada kasoo ifbaxaan.
Qeyb ka mid ah dadaalkaas, waxay hadda ku ogaadeen hab lagu garan karo cudurrada kasoo gudba xayawaanka ee halista ugu weyn ku ah bani’aadamka.
Howshan waxaa horkacaya seynisyahanno ku sugan jaamacadda Liverpool ee ku taalla UK, laakiin waxay qeyb ka tahay dadaal caalami ah oo loogu diyaar garoobayo ka hortagga cudurro dillaaca mustaqbalka.
“Waxaan u gambinnay shan xabbadood oo nalagu soo riday”
“20-kii sano ee lasoo dhaafay, waxaan soo wajahnay lix cudur oo khatar weyn abuuray – kuwaasoo kala ah Covid-19, SARS, MERS, Ebola, avian influenza iyo swine flu,” ayuu BBC-da ku yiri Barfasoor Matthew Baylis oo ka tirsan jaamacadda Liverpool.
“Waxaan u gambinnay shan xabbadood oo lagu soo riday laakiin xabaddii lixaad ayaa nagu dhacday.
“Kanina ma aha cudurkii ugu dambeeyay ee safmar noqonaya oo aan wajahno, sidaas darteed waxaan u baahan nahay inaan sii badinno dadaalka aan isaga ilaalineyno cudurrada xayawaanka.”
- Maxaa ka jira in cimilada kulul ay dili karto fayraska corona?
- Fiiri qaabka uu jirkaaga isaga difaaci karo cudurka Corona
Baylis iyo seynisyahannada kale ee la shaqeynaya waxay soo hindiseen hab lagu saadaalin karo cudurrada ay suurtagalka tahay inay kasoo gudbaan xayawaannada.
Nidaamkan ayaa khubarada caafimaadka u sahlaya inay fahmaan cudurka ka hor inta uusan si rasmi ah u dillaacin.
Markaas waxaa seynisyahannada u fududaaneysa inay xilli hore sii billaabaan raadinta dawada cudurka la saadaaliyo inuu dillaaci doono.
“Tallaabo kale ayaa loo baahan yahay si aan u ogaanno cudurka safarka noqon kara, laakiin hadda waxaan diiradda saareynaa sidii aan horumar uga gaari lahayn tallaabadan lagu saadaalinayo dhalashada cudurrada,” ayuu yiri Barfasoor Baylis.
Cashirrada laga bartay xayiraadda dhaqdhaqaaqa
Seynisyahanno badan ayaa isku raacay in waxyaabaha aan sameyno – gaar ahaan xaalufinta dhirta iyo xadgudubka isticmaalka hilibka xayawaannada duur joogta ah – ay sabab u yihiin faafitaanka cudurrada sida joogtada ah uga soo gudbaya xayawaanka ee soo gaaraya bani’aadamka.
Sida ay qabto Barfasoor Kate Jones, oo ka tirsan Jaamacadda London, “caddeyn ayaa loo hayaa in ficillada ay bani’aadamka gacantooda ku sameeyaan ay badanaa abuuraan halis sii kordheysa oo soo food saarta bani’aadamka, taasoo ka imaaneysa fayrasyo badan oo ka dhasha arrintaas”.
“Taasi micnaheeda ma aha in cudurrada oo dhan ah qaabkaas ku abuurmaan,” ayey sii raacisay hadalkeeda.
Dhowr cudur oo dillaacay ayaa muujiyay khatarta ka dhalan karta waxyaabaha ay bani’aadamka sameeyaan iyo xiriirka xadkiisa gudbay ee dhex mara dadka iyo xayawaanka