Cudurka Corona oo saameeyay hawlaha shirkadda Twitter

0
18

Hon Kong (saxilnews.com) Shirkadda baraha bulshada ee Twitter ayaa shaqaalaheeda ku amartay in ay kasoo shaqo galaan guryaha oo aysan imaan xafiisyada, si looga gaashaanto faafidda xanuunka Corona.

War qoraal ah oo kasoo baxay shirkadda ayaa lagu sheegay in ay qasab tahay in shaqaalaha Twitter ee ka hawlgala Hong Kong, Japan iyo Kuuriyada Koonfureed ay guryahooda ku nagaadaan oo ay halkaa kasoo shaqeeyaan.

Waxaa kale oo ay Twitter sheegtay in shaqalaahooda shanta kun gaaraya ee ka hawgala daafaha caalamka ay ku boorineyso in aysan xafiisyada tegin.

Go’aanka ayaa yimid maalin uun kadib markii shirkadda ay joojisay dhammaan safarada shaqada ee ay shaqalaheeda u aadaan dalalka caalamka

Twitter ayaa ka baaqatay shir caalami ah oo bishan ka dhici lahaa magaalada Austin ee gobolka Texas, Maraykanka.
Madaxa shaqaalaha ee Twitter, Jennifer Christie ayaa tiri “ujeedkeenu waa inaan hoos u dhigno fursadaha uu ku faafi karo xanuunka coronavirus ee gudaha shaqaalaheenna iyo caalamkaba.”
Tallaabo noocaasi ah ayaa waxaa qaaday shirkado badan oo xarumo ku leh qaaradda Aasiya oo uu faro ba’an ku haya xanuunka Corona.

Shaqaalaha xarunta shirkadda Google ay ku leedahay magaalada Dublin oo ah tan ugu weyn Yurub ayaa maanta oo Talaado ah guryaha ka shaqeyn doona, iyadoo ay shirkaddu tijaabinayso sida ay uga diyaarsan tahay haddii xanuunka uu ka dillaaco dalka Ireland.

Shaqaalaha oo gaaraya 8,000 ayaa la filayaa inay shaqadooda ku laabtaan Arbacada beri ah.

In ka badan saddex kun oo qof ayaa xanuunka ugu dhimatay caalamka oo dhan, xilli uu ku faafayo Maraykanka, Yurub iyo Bariga Dhexe.

Weriye Gamuute Cumarkujoog
Berbera Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here