Coronavirus: Waa maxey sababta ay noogu adag tahay in aan joojinno taabashada wejiga

0
30

(Saxilnews.com) Dhammaan dabeecadaha naga duwaya xayawaanaadka kale ee dunida ku nool, si gaar ah waa qofka in uu ka walwalo dillaaca iyo faafidda cudurradda.

Waxaan nahay mid ka mid ah noocyada kaliya ee lagu yaqaan inay taabtaan wejigooda iyagoon xitaa ogaansho u lahayn. Taasina waxey sahleysaa in ay cudurradda faafaan sida caabuqa cusub ee Corona (Covid-19).

Maxeynu sidaasi u yeelnaa, oo sidee baan u baabi’in karnaa dabeecadda aan mararka qar ku talagalka ahayn ee an ku taabaneyno wajigeena?

‘Taabashada wejiga’

kulligeen waxaan taabanaa wajiyadeenna si isdaba joog ah. Daraasad indho indhayn ah oo ay sameeyeen arday caafimaadka ka barata dalka Australia sanadka markuu ahaa 2015 ayaa lagu ogaaday in iyagu xitaa awoodi waayeen in aysan taabanin wajiyadooda.

Waxaa inta badan laga filaa ardayda caafimaadka in ay ka taxadaraan halista cudurradda marka loo barbardhigo dadka aan baranin caafimaadka, laakiin waxaa dhacday in ay wajiyadooda taabteen ugu yaraan 23 jeer saacaddiiba, taasoo ay ka mid ahayd taabasho joogta ah oo afka, sanka iyo indhaha ah.

Laamaha caafimaadka adduunka iyo xirfadlayaasha, oo ay ku jirto Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) waxey sheegeen in “taabashada wejiga” ay tahay mid halis ah. Talada ku saabsan caabuqa Covid-19 caadiyan waxey carrabka ku adkeyneysaa muhiimadda ay leedahay in aan gacmaheena ilaalinno, in ka badan inta aan ka ilaalineyno wasakhda.

Maxaan u taabanaa wajiga?

Bini’aadamka iyo qaar ka mid ah noolaha kale kama xadidi karaan naftooda in ay ka joojiyaan taabashada wejiga, waxey u muuqataa – in ay tahay mid ah astaan asal u ah xayawaannada qaar sida aadanaha.

In kasta oo noolaha badankooda ay wajigooda u taabtaan sidii qaab jimicsi ahaan ah ama hab ay u isticmaalaan in ay ku fiijiyaan cayayaanka agagaarkooda jooga, annaga iyo qaar kamid ah xayawaanaadka kale waxaan taabashada wejiga u sameynaa sababa kala duwan oo badan.

Khabiiro kale oo sayniska hab dhaqanka iyo dabeecadda ku takhasusay ayaa soo gabagabeeyey in is-taabashada ay tahay hab lagu sahlayo xakameynta shucuurta iyo dareenka. Martin Grunwald, oo ah barfasoor Jarmal ah oo ku takhasusay cilmi-nafsiga isla markaana bare ka ah Jaamacadda Leipzig, wuxuu leeyahay waa “dhaqan aas-aas u ah noolaha bini-aadamka”.

“Is-taabashada waa dhaqdhaqaaq aa caadiyan ula kac ahayn iyadoo inta badan taabashada ku dhacdo iyada oo aan ogaansho badan loo laheyn “, Grunwald ayaa sidaa u sheegay BBC-da.

“Istaabashada waxey door muhiim ah ka ciyaartaa dhammaan garashada iyo geedi socodka shucuurta. Tani wa arin ay wadaagaan dadka oo idil,” ayuu raaciyay barfasoorka.
Dhibaatada istaabashada

Dhibaatada is-taabashada ayaa ah in indhaheena, sanka iyo afkeenuba ay yihiin albaab uu ka galo dhammaan noocyada “xun” ee jeermiska si ay ugu gudbaan qeybaha gudaha ee jirkeenna.

Tusaale ahaan, caabuqa Covid-19-ka, waa cudur u kala gudba bini’aadamka iyada oo caabuqa uu raacayo dhibco yar yar oo qoyaan ah oo ka yimaada sanka ama afka qofka cudurka qaba. Laakiin caabuqa waxaa kale oo uu nagaaraa kadib marka aan taabanno walxaha ama sagxadaha uu taabtay qof cudurka qaba.

In kasta oo ay khubaradu weli daraasad ku samaynayaan halistaan cusub ee caabuqa Corona, haddana waxaa lagu yaqaanaa in uu adkeysi leeyahay waxaana la ogaaday in ay oogada sare ee walxaha uu ku noolaan karo muddo dhan ilaa sagaal maalmood.

Awood intee la’eg ayaan leenahay in aan iska ilaalinno taabashada wejiga?

Sanadkii 2012, koox cilmi-baarayaal Mareykan iyo Baraasiil ka socda, ayaa waxey ogaadeen in koox dad ah oo cilmibaarista ka qeybqaatay ay taabteen sagxa kala duwan e gooba dadweynaha isugu yimaadaan in ka badan saddex jeer saacad kasta.

Waxey sidoo kale taabteen afkooda ama sankooda “qiyaastii 3.6 jeer saacad kasta”.

Khubaradda caafimaadka qaarkood waxey qabaan, u nuglaanta is-taabashada ay tahay sabab adag oo loo isticmaalo waji-xidhka si looga hortago caabuqa.

“Xirashada weji xirka waxa ay yareyn kartaa u sahlanaanta dadka in ay taabtaan wajiyadooda, taas oo ah isha ugu weyn ee cudurka ku faafo iyada oo aan la helin nadaafad ku haboon gacanta,” ayuu yiri Stephen Griffin oo ah barfasoor ka tirsan jaamacadda Leeds.

Tallaabooyin noocee ah ayaan qaadi karnaa?

Laakiin maxey yihiin tillaabooyinka aan qaadi karno ugu yaraan in aan yareyno inta jeer ee aan wejiyadeena taabtanno?

Khabiirka cilmiga hab dhaqanka iyo dabeecadda ku takhasusay Michael Hallsworth, oo ah barfasoor ka tirsan jaamacadda Columbia oo ka soo shaqeeyey la-taliye xagga siyaasadda ah ee dowladda UK ee uu horkacayay Ra’iisul Wasaarihii hore David Cameron, wuxuu sharraxayaa in ay runtii ay adag tahay in talo laga bixiyo caabuqa Corona.
“U sheegidda dadka in ay ka baaqsadaan sameynta ficil ay markii horeba kutalagal la’aan u sameynayeen waa dhibaato inteeda la eg,” ayuu u sheegay BBC-da. “Way sahlan tahay in dadku gacmahooda dhaqdaan marar badan intii laga dhaadhicin lahaa inay yareeyaan weji taabashada badan.

” Guul kama gari kartid haddii aad tiraahdid ‘qofka yuusan sameynin wax uu markii horaba u samyen jirin qaab aan ku talagal ahayn”, ayuu yiri Hallsworth.

“Markey tahay baahi jireed tusaale ahaan sida cuncunka, waxaan la imaan karnaa qaab dhaqameed aan ku badali karno taasi.

“U adeegso dhinaca dambe ee gacanta, waad yareynaysaa halista, xitaa haddii uusan ahayn xalka ugu habboon” ayuu ku daray.

Maxaa nagu qaada taabashada badan?

Khabiirka dabeecadda iyo hab dhaqanka ayaa weli ku talinaya in aan ogaanno sababta aan isu taabanno. “Haddii aan aqoonsanno xaaladaha keenaya taabashada, wax waan ka qaban karnaa”

Hallsworth ayaa sharaxay.

“Dadka indhahooda taabta waxay xiran karaan awkiyaalaha. Ama gacmaha iska xakamee marka aad dareento in aad dooneyso taabashada jirkaada.” Waxaan sidoo kale u isticmaali karnaa habab aan gacmaheena ku mashquulinno, gaar ahaan waqtiga aan wax hawl ah qabaneynin.

Iskubaraarujinta in aad taabanin wejiga sidoo kale aad ayey kuu caawin kartaa.

“Haddii uu qof ogyahay in uu leeyahay dhaqan ku qasbaya in uu taabto wejiga, wuxuu kala tashan karaa asxaabtiisa iyo eheladiisa in ay uga digaan taabashada wejiga”. Michael Hallsworth ayaa soo jeediyay.

Gacmo-dhaqashada wanaagsan wax kuu dhaama malahan

Waxay ku soo uruursanaysaa malaha inaysan jirin wax ka wanaagsan joogteynta gacma dhaqashada,

“Uma baahnin in aan sugno tallaal iyo daweyn,” Agaasimaha Guud ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa shir jaraa’id ku sheegay 28-ka Febraayo.

“Waxaa jiro waxyaabo uu qof walba sameyni karo maanta si uu uga difaaco naftiisa iyo kuwa kale caabuqa Corona,” Dr Tedros ayaa raaciyay.

Weriye Gamuute Cumar kujoogg
Berbera Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here